Hargeysa: Ciidamo Booliis Ah Iyo Ajaanib La Socday Oo Xalay Iskuul Boodhin Ah Kala Baxay Labaatan Hablood Oo Qurbajoog Ah

0
1162
Qaar ka mida Ciidanka booliska Somaliland Photo File

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar ka soo baxaya qaar ka mid ah waalidiinta labaatan Hablood oo ay xalay ciidamo Booliis ahi kala baxeen iskuul kuwa la seexdo ah ayaa sheegaya in hablahoodii ay la yihiin, isla markaana ay haystaan ajaanib la socotay Ciidamadaas, sida ay ku doodeen waalidiin ka gaabsaday in magacyadooda la sheego.

Wararka Waaheen ay ka heshay Waalidiintaas ayaa sheegaya in habeen hore maqribkii hablooda lagala baxay iskuulka ay dhiganayeen oo ku yaala xaafadda Jigjiga yar, halkaas oo ay dhigtaan arday hablo ah oo ka soo laabtay Qurbaha, isla markaana lagu baro Qur’aanka iyo Axaadiista si dhaqan celin loogu sameeyo.

Ilo wareedkan ayaa sheegaya in aan illaa hada la ogayn meel ay ku sugan yihiin hablahaasi, hase yeeshee xalay, illaa manta meelo kala duwan kolba la gaynayey, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in su’aalo la weydiinayo.

Waalidiinta iyo Xukuumadda Somaliland midkoodna war rasmi ah kamay soo saarin arrintan, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa sheegaya in ajaaniibta la socotay Booliiska hawl-galka fuliyey ay ku doodayaan inay Hablahan ku celinayaan dalalkii ay ka yimaadeen, halka waalidka iyo xukuumaddu-na ku doodayso Hablahan inaan dalka laga saari Karin.

Dhacdadan oo ah tii nooceeda ah ee ka dhacda dalka, waxa la hadal hayaa sababta loo haysto inay la xidhiidho Ajaaniibta oo ku doodaysa in lagu barayey iskuulka falal argagixisnimo, hase yeeshee waalidiinta ayaa sheegaya inay ardaydoodani yihiin kuwa lagu barbaarinayo Diinta Islaamka, Dhaqanka iyo Af-ka Somaliga.

Dugisgan oo ay leeyihiin Qoys Qurbajoog ah waxa la sheegayaa inay ka Diiwaangashan yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Diinta iyo Aw-qaafta.

Wargeyska Waaheen waxa uu isku dayey in uu arrintan wax ka weydiiyo saraakiil ka tirsan ciidamadda Amaanka, hase yeeshee way ka gaabsadeen.

Waaheen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here