HARGEISA: Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daahfurey DIOMOND HOTEL & COFFE + SAWIRRO

0
1399

Hargeysa (HargeisaPress) — Agaasimaha Guuud ee  Wasaarada Ganacsiga Somaliland  iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan caasimada Hargaysa ayaa habeenkii xalay ahaa ka Qaybagalay xaflada munaasibad balaadhan ee xadhiga lagaga jarayay Huteel casri ah Kaasi oo laga hirgaliyay magaalada hargaysa Gaar ahaan xaafada xero awr ee Degmada Ibraahim Koodbuur.

Hotelkan cusub oo magaciisa layidha DIOMOND HOTEL & COFFE ayaa waxa Munaasibadan furitaanka Hotel-ka oo ahayd casho waxa ka soo qayb galay xubno ka mida xukuumada Somaliland,Salaadiin, Haween, Ganacasato iyo qaar ka mida qurba joog.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay mulkiilaha Hotel-kan cusub ee DIOMOND HOTEL & COFFE, Mustafe Budle oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inay hotel-kan u fureen qurba joogta Somaliland iyo dadka degan gudaha wadankaba, waxaanu tilmaamay inuu Hotel-kani u furan yahay cid kasta taas oo lagu soo dhawayn doono Gacmo furan, waxaanu si gaara u sheegay inuu Hotel-kani leeyahay adegyo Casriya.

Mid ka mida dadkii ka soo qayb galay munaasibadan ayaa si weyn u soo dhaweeyay furitaanka Hotel-kan? hotel-kani waa mid casri ah, waxaana hanbalyo u diraynaa mulkiilaha Hotel-kan, mar labaadkana waxaan leeyahay dadka reer Hargeysa inaad aad ugu farxi doontaan Hotel-kan cusub ee idinku soo biiray kaas oo adeeg fiican idin qaban doona, waana mid aad loogu baahnaa.

Hotelkan cusub ee DIOMOND HOTEL, ayaa caasimada hargeysa ku soo kordhiyay adeeyo cusub oo ay ma mid yihiin cuntooyin casriya an hore loogu arag Magaalada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here