Hargaysa: Shir Ku Saabsan Kaabis iyo Wax Ka Bedel Lagu Samaynayo Xeerka Waddo-marista

0
1151

Hargaysa , (HargeisaPress) —Kulan lagu gorfaynayay sidii kaabis iyo wax ka bedel loogu samayn lahaa xeerka waddo-marista gaadiidka Somaliland ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay saraakiil ka tirsan ciidanka nabadgelyadda wadooyinka Somaliland, xubno ka socday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha shuruucda wadooyinka iyo ku-xigeenka garyaqaanka guud ee qaranka.

Sidoo kale waxaa kulan hawleedkaasi ka soo qayb galay  masuuliyiin ka kala socday hay’adaha iyo wasaaradaha dawladda ee arrintani ay khusayso.

Iyadoo mudadda uu kulankaasi socdo lagu naaqishi doono sidii la isku meel dhigi lahaa kaabista iyo wax-ka-bedelka lagu samaynayo xeerka waddooyinka Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQALKA 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here