Hargaysa: Hooyo Carruurteedii Ku Wayday Tahriibka Oo Ka Hadashay Dhibaatooyin Haysta

0
1049

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Hooyo Sahra Cabdi Cali Yuusuf,  waa hooyo reer Somaliland ah oo ku nool magaalada Hargeysa, laba caruur ah oo ay dhashay ayay ku wayday musiibadda tahriibka.

Hooyo Sahra,  waxay sheegtay in wiil ay dhashay oo 16 sanno jir ahi uu ka tahriibay, isla markaana gacanta u galay Magafe, sidoo kalena ay iyana la da’hay muddo toban sanno ah gabadh yar oo 14 sanno jira oo iyaduna tahriibtay.

Hooyadan,  ayaa bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba ka codsatay in laga saacido dhibaatada soo wajahday ee masiibadda tahriibta oo ay ku weyday wiilka iyo gabadh ay dhashay.

Sahra Cabdi Cali Yuusuf,  oo  warbaahita kula hadashay magaalada Hargeysa waxay tidhi   sidan, “Waxaan ahey muwaadinad reer Somaliland ah, waxaan deganahay magaalada Hargeysa, waxaa igu dhacday dhibaato naf iyo maalba leh, gabadh yar oo 14 sanno jira ayaa iga tahriibtay, waxaanan la ahay muddo toban sanno ah meel ay jaan iyo cidhib dhigtay;

Hadda na waxaa iga tahriibay wiil yar oo 16 sanno jira, waxaa uu ku jiraa gacanta Magafa, waxaanu u heystaa lacag dhulka toosi ah, oo aanan anigu heysan, wax Allaale iyo wax hanti ah oo aan maanta wiilkaygaasi aan ku furdaamiyo ma hayo”.

“Waxaan  ku jiraa sandaqad yar oo kiro ah, waxaa aan umadda Islaamka ah ka codsanayaa gudo iyo dibadba in arrintaa la iga caawiyo, oo shirkadaha wadanka jooga dhibaatada i heysata iga gargaaraan, sida Telesom, Somtel, Dahshiil, iyo waliba labada aqal ee baarlamaanka, ganacsatadda iyo wixii ay naxariisi ku jirto oo dhan, waxaan ka codsanaya in leyga taageero dhibaatadda i heysata oo wax aan u hayaa aanay jirin”ayay tidhi hooyadani.

Sidoo kale hooyo Sahra waxaa ay sheegtay inay ka mid aheyd mujaahidiintii dib u xoreynta qarankan ka qayb qaadatay waxaanay madaxweynaha iyo hay’addaha dawladdaba ay ka codsatay in laga saacido dhibaatada ay ehelka la tahay waxaanay tidhi iyadda oo arimahaasi ka hadleysa.

Waxaanay tidhi “Waxaan salaamaya madaxweynaha qaranka Somaliland waxaan leeyahay madaxweyne waxaan ahey mujaahidiinti kugula jirtay dib u xoreyntii dalka, dhibta i heysata ha leyga caawiyo, oo lacagtaa wiilkeyga loo heysto ha leyga bixiyo.

Maanta  oo kaliya toban jeer ayuu isoo garaacay Magafaha wiilkayga heystaa, lacagta la ii heystaana waa sagaal kun iyo shan boqol oo dollar oo ay dheer tahay tii doontuna, imika hal sano ayuu iga maqan yahay saacad kastana Magafuhuna waxaa uu igu yidhaaha waan dilayaa”.

Geesta kale xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo inta badan ka shaqeeya dadka masaakiinta ah iyo dhibaataysan  ayaa  ka hadlay dhibaatada haysata hooyadan.  Waxaanu  yidhi “Waxaa xarunta golaha wakiiladda nagu soo booqatay Hooyaddan oo ubadkeedii ay tahriibeen, bulshadu ha ka soo saacidaan dhibaatada heysata.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here