Hanti Dhawrka Oo Sheegay In Ay Baadhitaan Ka Wadaan Wasaarradaha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda

0
859

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Hanti dhawraha  guud ee qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, ayaa shaaciyay in ay baadhitaano musuq maasuq la xidhiidha wasaarradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda.

Axmed Yuusuf  Dirir, waxa uu  sheegay in baadhitaanka ay muddooyinkan ba ka wadeen labadan wasaarradood, isla markaana labaddii wasiir ee hore ee wasaarradaha arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, oo wasaaradahaas laga bedelay ay ku sii wadayaan baadhistoodda.

“Labadda wasaaradood ba anaga ka hanti dhawr ahaan waxaa nooga socday baadhis. Wasaaradda arrimaha dibadda geba gebo ayuu noogu dhaw yahay, wasaaradda maaliyada na muddo bil ku dhaw ayuu hadda nooga socday”ayuu yidhi hanti dhawraha guud.

Hanti dhawraha guud  oo maanta hadal ka jeedinayay munaasibad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee maaliyadda, ayaa ka dalbaday  wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadda loo soo bedelay wasaaradda maaliyadda iyo wasiirkii hore ee maaliyada oo isna hadda loo magacaabay xubin ka tirsan guddiga tacliinta in ay  gacan siiyaan wixii macluumaada ee ay uga baahdaan.

Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Labadda masuul ba (wasiirradii hore ee maaliyadda iyo arrimaha dibadda), mudada ay halkaa joogaan, anaga halkii hore ayay noo joogaan, oo wixii macluumaad ah iyo wixii aanu uga baahano waxaanu kala xidhiidhaynaa, wixii hore ee ay baadhistiisu socotay.

Inta aanu hawshayadda dhamaysanayno, iyaga na waxaanu ka rejaynaynaa wada shaqayn fiican in ay mudadaa nala samayn doonaan”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here