Hambalyo Maareeyaha Cusub ee TVga Qaranka JSL iyo Sagootin Maareeyihii Hore oo u Dallacay Lataliye Madaxweyne

0
888

Asalaamu Calaykum,Maanta ayay ahayd markii uu Maareeyihyii hore ee TVga Qaranka Saaxiibkay Khadar Xasan Cali Gaas uu Xilkii ku wareejiyay Maareeyaha Cusub saaxiibkay Cabdi Cali Mahadi oo uu dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu xilkaas u soo magaacabay, Maareeyihii horena uu u dallacsiiyay inuu noqdo Lataliyihiisa Arrimaha Saxaaafada.

Haddii aan ku horreeyo oo aan kelmado kooban ka idhaahdo Maareeyihii hore Saaxiibkay Khadar Cali Gaas waxay ahayd dabayaaqadii sanadkii 2000 oo imika laga 15 sanadood markii aanu magaalada London ka bilownay soo saarista Wargeyskii caanka ahaa ee Jamhuuriya Aniga iyo Mudane Khadar Cali Gaas iyo Wariye Sare Cabdixakiim Maxamed Sheekh ” Cabdixakiim Jamhuuriya” oo isagu hormuud noogu ahaa soo saarista Wargeyskaas oo uu isna qayb ka ahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Cali Daraabulisi, waxaana Wargeyskaasi uu ahaa mid bulshada reer UK ay aad u jeclayd una akhrisan jirtay maadaama aanay xiligaas jirin Warbaahintan TVyada iyo warbaahin bulsheedkan Facebook uu ka mid yahay ee hada jirta.

 

1937483_10206160030913606_3128100148057268941_n

Waxa kale oo Khadar aanu muddo aad u dheer ka wada tirsanayn Ururkii Somaliland Forum oo uu ka ahaa xubin aad u firfircoon, waxaana mar kasta uu ka qayb qaadan jiray wax kasta oo Somaliland nabadeeda iyo horumarka dalkeena ah, marnaba kamuu maqnaan jirin banaanbaxyada arrimaha aqoonsiga ee ay Jaaliyadaheenu qaban jireen, iyo shirarka Samafalka iyo Horumarka Somaliland lagaga hadlayo, run ahaana ilaa mudadaas dheer ee aan aqaanay Khadar waxa uu ahaa Wadani Dalkiisa Jecel, Cibaado badan, oo Daacad ah.

Waxaa hubaal ah in mudada uu Maareeyaha ka ahaa TVga Qaranka uu wax badan ku soo kordhiyay, horumar muuqdna uu ku talaabsaday, waxaa kale oo bulshada Somaliland farax geliyay markii uu Qasnada dhexe ee Dawlada dib ugu celiyay lacag ka badan Hal Milyan oo Doolar oo uu ka kaydiyay miisaaniyadii TVga loogu talogalay oo usoo hadhay, taasi oo aanuu samayn masuul isaga ka horreeyay abid. Waxaan Allah uga baryayaa inuu ku guuleeyo Xilka Culus ee imika loo magaacabay, aniga oo ku rajoweyn inuu Madaxweynaha gacan buuxda ku siin doono dib u habaynta iyo horumarinta siyaasada guud ee Warbaahinta Dawlada maadaama uu imika noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Saxaafada.

Maareeyaha Cusub Mudane Cabdi Cali Mahdi ayaa isaguna ah saaxiib aanu is baranay qiyaas ahaan isla sanadkaas 2000, waxaana kulamadii u horreeyay aanu ku kulanay xaafada Wembley ee London isaga oo xiligaas hormuud ka ahaa doorweyna ku lahaa aasaasidii Xisbiyada iyo urrurada siyaasadeed oo xiliyadaas dalkeena laga bilaabay, waxaana uu ahaa xubin aad u firfircoon oo jaaliyada ka dhex muuqda, waxaanan kalsooni weyn ku qabaa inuu firfircooni iyo isbedel fiican kusoo kordhin doono TVga Qaranka oo Muhiimad weyn u leh Ummadeena, waxaanan Allah uga baryayaa inuu ku guuleeyo xilkaas culus ee loo igmaday. Aamiin.

Ugu danbayn waxaa muhiim ah in Laamaha Warbaahinta ee Dawlada sida Idaacada, Tvga iyo Wargeyska Dawan iyo Masuuliyiintooda iyo Shaqaalahooduba ay muujiyaan isku Duubni iyo Midnimo ay ugu adeegaan Bulshada iyo Qaranka Somaliland.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here