Hambalyo ku socota Wasiirka cusub ee Wasaaarada Ganacsiga Somaliland

0
731

London — Jaaliyadda gobolka  Gebilay ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay na soo gaadhsiiyeen taageero mug leh iyo hambalyo ay u dirayaan Wasiirka Cusub ee Wasiirka Ganacsiga Somaliland Mudane Xuseen Aadan Cige ( Eng Xuseen Dayr ).

 

Wasiir Xuseen Aadan Cige oo ah shakhsi u dhashay ragannimo iyo geesinnimo, ayaa waxa hore u ahaa  Af-hayeenka Madaxtooyada. Intii uu hawshaa hayeyna waxa uu muujiyey hawl karnimo iyo maamul wanaag. Sidoo kale Mudane Eng Xuseen Dayr, waxa uu shaqada loo igmaday u leeyahay aqoon iyo karti.

 

Waxana dadka aqoonta u lihi ay leeyihiin, ‘ Eng Xuseen Dayr waxa uu wax weyn ka beddeli doonaa Wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

 

Jaaliyadda ay hambalyadu ka socoto waxa ay sidoo kale hambalyo taa la mid ah u gudbinaysa Madaxweyne Ahmed Siilaanyo oo hawshan u magacaabay Wasiirka.

 

Ugu danbayn waxa ay Jaaliyaddu kula dardaarmayaan Wasiir Xuseen Aadan Cige ( Eng Xuseen Dayr ) in uu muujiyo shaqo wanaag, caddaalad iyo wax qabad aan caadi ahayn.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here