Halkan Ka Akhri Nuxurka 9-qodob ee laga soo saaray Murankii u dhexeeyey Garabyada Xisbiga UCID

0
759
News

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudida diiwaangalinta ururada siyaasada Somaliland oo muddo gaadhaysa bil iyo badh ku hawlanaa sidii ay u xalin lahayeen khilaafka ka dhex taagan xisbiga UCID ee u dhaxeeya gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseey ayaa maanta xal kasoo saaray khilaafkaasi.

 

1. In xisbiga UCID labadiisa garab qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn muddo shan iyo afartan casho gudahooda oo ka bilaabmaysa 21.07.2016
2. In labada garab soo magacaabaan guddi maamuusha shirwaynahaa oo ah tiro is le’eg.
3. Guddiga tiradeedu waa 10 xubnood oo labada garab midba soo magacaabayo shan xubnood, waxaanna loo soo gudbinayaa magacyadooda Guddiga Diiwaangelinta
a) guddigu waxay iska dhex dooranayaan guddoomiye iyo Xoghaye fulineed oo midba garab ka imanayo
b) Guddigu waxay si is le’eg u soo xulaysaa ergada shirwaynaha
c) Guddigu waxay maamulaysaa shirwaynaha ilaa inta go’aamadiisu ka soo baxayaan
d) Kharashka shirka ku baxayana waxa bixinaya labada garab ee xisbiga si is le’eg.
4. Shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qodobada heshiiska labada garab iyo wax-ka-beddelka xeerka guud ee xisbiga UCID ee ku Taar. 12.07.2012.
5. Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo tiradiisa sharciga ahi tahay 181 soo jeedin sharci ahina ka taalo waxa lagu dhammaystirayaa shirwaynaha.
6. Murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen waxay ku dhammaystirmaysaa marka shirwaynuhu ansixiyo, umana baahna shir Gole Dhexe oo dambe oo lagu ansixiyo.
7. Cali Maxamed Yuusuf oo heshiiska loogu ansixiyey guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID wuxuu xilkiisu ku dhammaystirmayaa marka shirwaynuhu ansixiyo

 

8.Qodobadda 1-aad ilaa 7-aad ee go’aankan waxa ay guddidu u cuskatay sida ku cad heshiiskii labada garab eek u taariikhaysnaa 12.7.2012-kii. Qoddobada 1-aad iyo 4-aad oo u dhigan sidan:(Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawlgeliyo guddi qaban qaabo oo ka shaqaynaysa qabsoomadda kalfadhiga afraad ee golaha dhexe ee xisbiga UCID iyo shirweyne guud oo aan caadi ahayn, shirka golaha dhexe iyo shirweynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qoddobada heshiiska, sidoo kale waxa lagu meermarinayaa wixii kaabis iyo wax ka beddel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee xisbiga Ucid.”
Qodobka1-aad Baaragaraafka u dambeeyaa waxa uu leeeyahay(sida oo kale waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen in dhammaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qaybsadaan.”
9.Waxa kale oo ay u cuskatay:Xeer 14. Qodobkiisa 26-aad oo u dhigan sidan(Guddida diiwaangelinta urrurada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranku waxa uu awood u leeyahay inuu soo saaro xeer nidaamiye, xeerka, xeerka habdhaqanka iyo awaamiir aa naan ka hor imanayn xeer 14.)
Ciddii xukunkan ku qanci weyda waxa u furan inay rafcaan u qaadato maxkamadda saree e Somaliland, Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 21.7.2016-ka.

 
Allaa Mahad leh.

LEAVE A REPLY