HALGANKII SNM XARAAN BUU AHAA!!? Qallinkii: Mawliid Ahmed Jibriil

0
1444
Mawliid Axmed jibriil

1982 markii lagu dhawaaqay ururkii Snm ayaa Siyaad Bare Xukumadiisii waxa ay zoo saartay sharci ogalaanaya in Hantida ama Xoolaha iyo Xaasaska Raga SNM ku Biiray lagu xalaalaysday in xoolahoda Lala wareego Xaasaskodana la Gursan karo,

Hada Sharcigan Xaasaska lagu gursan karo waxa ka mid ahayd Haweenkii lagu zoo saaray Marwada Qaranka ee kowaad ee hada Aamina Waris,

Waase qof iyo Dameerkii ee xaasas Ragii qabay Talaabay sharcigan ayaa lagu Guursaday oo lagu xalaalaysday.!!!!!????

M/wayne SIILAANYO XUKUMADIISU Sharcigan hantida Raga SNM lagula wareegay markay maanta ku Fulinayso GUDOMIYIHII UGA HOREEYAY SNM AXMED JIMCAALE LAGALA WAREEGAY AYAA NIN SIYAAD BARE U ADEERYAHAY AYAA SHARCI DHUL SITA OO G/ SNM LAGALA WAREEGAY OO XUKUMADA SIILAANYO WAQTIGAN U FULINAYSAA.

Saw kama dhigna Halgankii Snm xaaraan buu ahaa oo sharcigii siyaad bare ayaa xalaal ahaa!!?

Waliba dhulkii G/Axmed jimcaale Ilo xogagaala oo daaha laga faydin warka iga zoo gaadhaya dhulka G/ A jimcale waxa boobaya Wasiirada uga Awooda badan Xukumada siilaanyo oo markay wado kale oo ay ku boobaan dhulka mujaahidka sharcigii xaaraanta ahaa ee siyaad bare zoo saaray ayay ku xalaalaysanayaan.

Kooxahan waraaba Taaga ah iyo Wasiirada Daba fadhiyaa waxa laysla dhex marayaa waa kuwii Ramadantan rabadantedii kale muj, Awoowo ku qabsaday dhulkii uu deganaa ee wiilka dilay,!!??

Tolaw maantana ma waxay rabaan in Agoontii muj, Axmed jimcaale ay Wiil ka dilaan waa,ayo waa bisha bishedii Ramadaanta ee laba dhul oo wado U dhaxaysa ay qabsadaan hadaba ma faal baa U qabtay baloodhadan iska zoo hor jeeda ee ramadanta lagu beego boobkoda,

Waxan ka baqayaa shaydamadaa bisha barakaysan ka xishoon waayay in qasaare culus ka zoo gaadho boobka dhulka Gudomiyihii uga horeyay ee Snm Axmed jimcaale.

Aaway mujaahidiinta waawayn nimankii ka Noolaa Maxay dhulka agoonta ee la boobaya uga hadli wayeen,

Ma wada xukundoon baa oo xukumada ayay U habranayaan mise xilbay xukumada ka wada hayaan oo runta uma sheegi karaan, mise Canka iyo Caloosha ayaa loo buuxiyay oo maba hadli karaan,!!!?

Mise halgankii ayaa xaaraan ahaa oo xukumadii siyaad bare iyo sharcigii ay zoo saartay ayaa xalaal ahaa ee Hantidooda iyo Xaasaskoda lagula wareegayay oo ay raali ku yihiin in xukumada siilaanyo ku shaqayso oo lagu fuliyo in dhulka mujaahidka Agoonta ka hadhay lagu boobo sharcigaa.

Hadii maanta xukumada uu hogaaminayo Nin aan ahayn Snm maxaa mujaahidiin qaylinlahayd maantana nin hadla ayaa laga layahay.

Isku zoo wada duuboo, Mwayne siilaanyo waxa wanaagsan ee xukumadadu qabato adiga iska leh ficilka xun ee wasiiradadu ay fuliyaan dhalisheeda iyo cambaraynteda adiga iska leh,

Hadaba sharcigii siyaad bare hantidada iyo xaaskaga ku xalaalaysday in la zoo hadal qaado ma Jaclid in lagu dhaqmana ma jaclid ayan filayaa in cid xukumadada ka mida cid kale Kula kacdo maaha ee hadaanad raali ka ahayn dhulka muj, Axmed jimcaale wax ka qabo ficiladan xukumadada ka zoo baxayaa wax muwaadinku U dulqaadan karo maaha waa wixii laga dagaalamay ama qasaaraha ka yimad U diyaar garaw oo dusha ku qaado wixii siyaad bare laga diiday siilaanyo laga yeeli maayo!!!!!! ????.

Fikiradiinu waa mihiim.

Qallinkii: Mawliid Ahmed Jibriil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here