“Hadii Ilaahay Noo Sahlo, Sannadkan Ayaa Ku Dedaalaynaa Inaan Ardayda Jaamacadaha Qaadano Inta Imtixaan Laga Qaado…” Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

0
1725

Hargeysa, (HargeisaPress) — Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ballanqaaday qaaday in Ciidanka Qaranku sugi doono nabadgelyada Qaranka, dadla iyo dadka, intii awoodooda ah, hadii Ilaah yidhaahdo.

Taliye Nuux oo maanta (shalay) ka hadlayey sannadguuradii 24aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka JSL oo lagu qabtay xarunta Taliska ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in taariikhda Ciidanka Qaranku la bilaabmatay dhismahii xukuumadii Labaad ee JSL, iyo sababhii keenay isla markaana bogaadiyey raggii hawsha u guntaday hirgelinteeda waxaanu yidhi,

“Mudanayaal, Ciidanka Qaranku waxuu la kowsaday aasaaskii dawladii labaad eek a dhalatay JSL, ee lagu soo dhisay Boorama 1993-dii, uu madax ka ahaa AHN Md. Maxamed Ibraahim Cigaal, madaxweyne-xigeen ka ahaa Md. Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, oo manta (shalay) xafladan innala jooga. Mudane Madaxweyne, Mudanayaal, wakhtigaa waxa jiray ciidan beeleedyo wadooyinka joogay, way adkayd xitaa sidii lagu gaadhi lahaa Boorama, dawladii halkaa lagu soo dhisay waxay u baahatay ciidan amniga suga, baahiyaada darted ayaa lagu dhisay aasaaskii Ciidamadii Qaranka oo lagu saleeyey col-walba saamiga ay ku kala leeyahiin Gollaha Guurtida, waxaana la aasaasay Guutadii koowaad & Guutadii Labaad oo lagu saleeyey saamigii Gollaha Guurtida, sidaad ayaanu Ciidanka Qaranku ku bilaabmay. Intaa waxii ka dambeeyey Ciidanka Qaranku wuu sii kobcayey oo meel sare ayuu sii gaadhayey. Waxa mudan raggii hawshaa ka shaqeeyey, oo Mudane Madaxweyne aad wakhtigaa ka ahayd wasiirkii Daakhiliga ee dawladaasi, rag kaloo manta halkan jooga oo Cabdiraxmaan Aw-Cali ka mid yahay, Maxamed kaahin ka mid yahay, Madaxweynahii hore Md. Axmed Siilanyo ka mid yahay, ragii waa noolyihiin, rag kale waa dhinteen, oo Guurtida ka mid ahaa sida Sheekh Ibraahim, Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Maxamed Faarax, Sheekh Muuse Goodaad iyo rag kaloo bandanna manta waa mootan yihiin (Ilaahay ha u naxariistee). Hawshaa aad qabateen waa waxaan kaga sarrayno een milgo ku leenahay, ee khaykeen ku dhaafnay, ee keentay inaan manta (shalay) halkan ku fadhino nabadgelyo.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL S/G Nuux ayaa sheegay in Ciidanka Qaranku kaalin weyn ka qaatay sidii maamulka dawlada loo fidin lahaa, waxaanu yidhi,

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here