Haddii Xukuumadda KULMIYE Obossanjo Keenay Charles Taylor Na Ha Raadiyaan?

0
1100
Obasanjo and Charles Taylor
Dabciga banii aadanka ayaa ah in ay intii isku xirfad ahiba is fahanto isla balwayso is furto sidoo kale sheekadu isugu baxdo maalmihii mataanaha u ahaa oo ay soo mareena isla haaneedaan si ay isula dareen qaybsadaan si mid waliba u helo kan kale ee dhigiisa ah xogtiisa iyo xaajadiisa xantiisa iyo xeeladdiisa waayo waxay ku bohoobeen xirfad xalkiisuna waa u xal xadhigiisuna waa u xadhig xeegadiisuna waa u xeego jabkiisuna waa mid isna u soo socda oo Waatii heestu ahayd
“Qofwaliba wixii dhibay
“Dhafoorkay ku taalaa!
Geelleydu waa isku xirfad sidaa darteed baa mid waliba u ogyahay inta ay ka simanyihiin cidda la jaalka ah inta ka dheerna uu u xog raadiyaa ee geelleyda kale sheeko iyo shaahidba.
Dhakhaatiirta macalimiinta ardayda ganacsatada iyo dhamaan cidkastoo isku jaal ahina qolo waliba waxay ku wadasocotaa xirfad isu keentay.
OPOSANJO oo ahaa Bahal dalkiisii iyo dadkiisiiba ay dayriyeen iskana eryeen ugu danbayntiina la baxsaday hantidii Qarankiisa uu hoostiisa ku badbaadi lahaa ayaa hargeisa kasoo degay soodhawayna loogu sameeyay waa calaamatu su’aal?
1:xil mahayo lagu xisho oo dawladeed urur ama Hay’adeed isagaaba dalkiisii aan tegikarin tuug dibad wareegana ka ah
2:Deris ma aha oo hadduu derisyahay waxaa la odhan lahaa dalkiisuu xan dhegaysanayaa ama saamayn ulasocdaa.
Haddaynu is wayddiino su’aalo ma xuma ee ma wuxuu inoogu yimid dhawr qodob midkood? Moohi!
1:Ma Sucuudiga uu ku noolaa ayaa inoo soo diray oo wuxuu qayb ka yahay basaasiintii iyo denbiileyaashii dunida islaamka wareegayay ee Afganbiyada iyo Boqortooyoon lamida midda Riyaad fidinteeda iyo Tabliiqin ugu soo baxay min Qaaradda Aasiya ilaa Turky laga sheegayay oo waa khabiir sare oo inaga caawinaya?
2:Ma madaxwaynaha ayuu ka caawinayaa wixii  uu ku dhaamo xukun milateriyga iyo sidii uu ugu qabsaday Naigeria?
3:Ma xirfad baa isu keentay iyo shaqo oo waa boholyow waa hadduu adduunku ogyahay in aynu maafiyada xataa naf ka dayno?
Marka aynu intaas iswayddiino jawaabaha waxaan uga tagayaa nin lahoow dayo iyo somaliland
Waxaanse leeyahay
“Haddii muuse biixi iyo kooxda kulmiye OBOSSANJO  aad keenteen bal CHARLES  TAYLOR  na raadiya hadday maxkamaddii sii daysay ama la helikaro madaxwaynihii hore ee LIBERIA  isaguna waa khabiir Milateriye,,
Qalinka
Abwaan Abdijibaar Aaden Gaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here