“Haddii cunsuri la igu sheegay ka la igu dilayay waa kan”… BK

0
1059

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Fanaanka da’da yar ee Maxamed Siciid BK, oo safar ugu maqnaa dalka Kenya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargaysa.

Fanaan BK oo dalka Kenya u tegay in uu kaga qayb gallo munaasibad loo sameeyay xuskii 26-kii June ee maalinta xoriyadda Somaliland, balse intaas kadib waxaa jirtay in bulshadda reer Somaliland ee degan Nairobi ay ka dalbadeen in uu bandhig faneed u qabto.

Hase yeeshee Bk  ayaanay u suurto gelin in uu bandhig faneedkaasi qabto mudadii uu Nairobi joogay uu bandhig faneedkaasi qabto.

Kadib markii  ay ciidamadda amaanka Kenya ku wargeliyeen in uu jiro shir-qool la doonayo in fanaanka lagu waxyeelaynayo. Shir-qoolkaasi oo ay ka danbeeyeen dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya oo uu BK ka diiday in uu kala qayb galo kana heeso xuskii maalinta 1da July.

Soo dhawaynta fanaan Maxamed BK ee maanta waxaa si weyn uga qayb qaatay kumanaan ka mida dadweynaha ku nool caasimadda Hargaysa, kuwaasoo ruxayay boodhadh iyo calaamado ay fanaanka ku soo dhawaynayaan.

Iyadoo  soo dhawaynta dadweynaha Hargaysa ee fanaan BK  loo arko  mid ay  kaga jawaabayeen in ay ku muujiyaan sida ay uga xun yihiin  bandhig faneedkiisii Nairobi ee laga joojiyay.

Waxaana soo dhawaynta fanaan BK ka qayb qaatay ka sekow dadweynaha caasimadda wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanadda xoolaha Yurub Abiib, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali.

Masuuliyiin kala duwan oo  uu ka mid ahaa badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodijeex, bahda fanka ee Hargaysa, fanaaniin ay ka tirsan koox faneedka Xidigaha Geeska   iyo sidoo kale kumanaan qaybaha kala duwan ee bulshadda ah.

Fanaan Maxamed Siciid BK, ayaa kadib markii uu ka soo degay madaarka diyaaradaha Hargaysa waxaa uu kumanaankii dadweynaha ahaa ee soo dhaweeyay kula hadlay garoonka kubbadda cagta ee Hargaysa Stadium.

Isagoo ay wejigiisa ka muuqatay farxad iyo sida uu ugu riyaaqay soo dhawaynta aadka u weyn ee loo sameeyay ayuu BK u mahad celiyay dadkii soo dhaweeyay.

Waxaanu yidhi “Aad baad u mahadsan tihiin. Somaliland ha noolaato, calankeenu ha jiro. Dhamaantiinba qalbiga ayaan idinka salaamayaa, farxad darteed ayaaban dhici gaadhay. Mar kale aad baad u mahadsan tihiin, idinkoo isku duuban”.

Geesta kale fanaan Maxamed Siciid BK,  ayaa  sababtii looga joojiyay bandhig faneedkii uu ku qaban lahaa magaaladda Nairobi loo aaneeyay in ay ka danbeeyeen bulshadda ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya oo kaga aarg-goosanayay kadib markii uu ka diiday in uu kala qayb gallo xuskii 1dii June.

Kuwaasoo ku eedeeyay in aanu ahayn fanaan Soomaaliyeed maadaama uu diiday in uu xuskii 1dii June uga heeso, isla markaana ku tilmaamay in uu yahay cunsuri ay madax martay Somaliland-nimadu.

Bk laftiisa ayaa maanta dadweynihii soo dhaweeyay u sheegay in sababtii bandhig faneedkiisa looga joojiyay ay ahayd sida weyn ee uu ugu dhegan yahay Somaliland iyo calankeedda.

“Haddii cunsuri la igu sheegay iyo haddii wax kale la sameeyayba ka la igu dilayay,  kaasuu ahaa (calanka Somaliland). Waxaanan leeyahay calanka Somaliland markaan dhinto Kafanka iiga saraysiiya”ayuu yidhi Maxamed BK.

Dhinaca kale waxaa iyagna halkaas hadalo soo dhawayn ah ka jeediyay masuuliyiintii ka socday xukuumadda Somaliland oo fanaan BK ku amaanay sida qiimaha leh ee uu ugu dheganaaday mawqifkiisa Somaliland-nimo, isla markaana u diiday in uu lacag dhaafsado muwaadin-nimadiisa.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here