Haddii ay dagaal tahay Hub dhacaaya baan ahay; Nabaddana hadh baan ahay. faysal cumar madar (Faysal Qumuj)

0
1254

Ciid mubaarak, waxa aan ka hadlayaa arin ay xukumadu dadka ku jaha wareerinayaan, waxaynu ogayn In dagaalo ka dhex oognayeen masuuliyiin madaxweynuhu wada magacaabay oo kala ahaa wasiirka warfaafinta iyo agaasimaha TVga qaranka (SLNTV), Ayaa waxa hadana soo mudhay dagaalkii oo wajikale leh, oo ku aadan guruub aan u fahmay in ay ahaayeen kuwii guusha u sahlay in lagu amaano agaasimaha TVgu in uu wax badan ka badalay oo uu kusoo jeediyay indhihii dadka Somaliland ka dib markii uu ku qasbay inuu kasbadao bulsho waynta isagoo keenay koox dadka mudo kooban ku hanatay oo qurxiyay dawashadii muuqbaahiyaha qaranka ee xukumadu sida xun u isticmaalijirtay.

Waxa aynu marag ka wada ahayn in habeenkii sanadka cusub ee 2014 ay bulshada fanka jecel ama dhalinyarada intooda badani ay ku xidhnaayeen TVga Qaranka, hadaba wasiirkii oo kooxdii XIDIGAHA GEESKA ee nuuriyay TVga caayaya ayuunbaa lagu toosay, oo leh waxaan umada ka tacasiyadaynayaa shaqadii aan qaranka u hayay.

Wasiirka qaadaya dagaal ku wajahan inuu naafeeyo mid kamida shaqada u hayo qaranka oo inuu soo xidho muuqbaahiyaha qaranka waxaanu u isticmaalay dagaalo soo socday mudo, markii ugu horaysay wuxu kooxdan xidigaha ku soo weeraray qabyaalad iyo reer reer ukala saaro si uu burburiyo ,markii taasi u socon wayday ayuu Hadana Wasiirku guud ahaan ka joojiyay in tvga qaranka ay kazoo baxaan KOOXDAN XIDIGUHU isagoo ka eegaya laba dhinac in kooxdu muujinayso guul uu kaga adkaanayo agaasimaha tvgu iyo in ay tahay koox dadku jecel yihiin oo tageero badan dal iyo dibad haysata intaa ka dibna si uu uga horkeeno xukumada si ay usamayaan heeso ayku dhaliilayaan maamulka imika dalka hogaamiya.

Waxa arinka ka odayeeyay am aka garnaqay madaxweyne-kuxigeenka oo isugu yeedhay kooxda iyo wasiirka oo dhexgalay waxa uu wasiirku ku dooday in kooxdani ay fashilinaysay qarankan iyo gaarahaan masuuliyiinta ay wasiirka isku haybta yihiin. Waxaanu M/xigeenka hortiisa ka sheegay in kooxdan laga danbeeyo oo uu ka danbeeyo muuse biixi iyo khaddar cali gaas M/kuxigeenka oo arinkaa ka xanaaqay ayaa ku qasbay in kooxdu ay shaqadii qaranka ka caawinaysay ee aanay mushaharna ka qaadan jirin ay u wado, wasiirkuna amaan siiyo, markii taa laysla qaatay waxa uu wasiirku u sheegay in aanay laga duubayn kooxda barnaamijkii ciida.

Kooxdan Xidigaha oo ka dhisan Somaliland kana soo jeeda Somaliland ayaa waxay kasbadeen dareenka iyo dhagaha dadka ku hadla afka soomaliga ee kala jooga dunida daafaheeda hadaba iyaga oo raaligalinaya dhagaystayaashooda xiiseeya heesahooda waxay siiyeen heeso dhawrka mida warbaahinta somaliga ku hadasha sida VOA oo maqal iyo muuqaalba bahisay, kaba soo qaad in kooxdan laga leeyahay Somaliland ay u heeseen somalida kale ama muqdisho joogata ama jigjiga joogta iyagoo raaligalinaya dhagaystayaashooda Af-somaliga ku hadla farxada ciidal fidrida ma danbi ayay galeen? Miyaanay isku mid ahayn shirkadaha kale eek a jira dalka ee xidhiidh ganacsi iyo shaqoba ka dhexeeyaan dadka soomalida ah eek u nool dunida sida shirkada DAHABSHIIL oo xafiiskule xamar, halka aanay kooxdan aanay kaga jirin cidkasoo jeeda koonfur.

Cukuse dadka waxaad katacsiyadaysaa shaqadaada aad dayacday iyo qabyaalada aad kula wareegayso kooxdan dalka iyo dadka sumcada usoo jiiday, waxakale oo aankuu sheegi lahaa dhalinyarada aad lahayd waxa lagu abaabulayaa qabyalada miyanad adigu xasuusanayn tan aad kula dhexjirto kooxdan xidigaha hadaba Cukuse ma xamar ayuu u hiilinayaa mise wuu ka hiilinayaa marka uu leeyahay ceeb ayay inagu tahay in kooxda xidiguhu kazoo mudhaan TVyada universal iyo ka Somalia? Aniga waxay ila tahay in uu Somaliland ka hiilinayo una hiilinayo Somali weyn oo waayo inta badan reer Hargeisa ayaa ku faana in kooxda xidigaha geesku ay u tahay dalka sharaf in ay kasbadaan Somali maxamed oo dhan sida ay muujinayso qaarka xun jiritaan keenu in ay u baahdaan qaarka ka mida muwaadiniinteena.

Waxankugula talinayaa kadaa dadka jahawareerka horaad u tidhi xukumada xiligii shirkii kulmiye laysku maandhaafsanaa waxa lasoo weerarayaa idaacada iyo TVga qaranka ee waa in laysiiyaa ciidan, maantana waa ayaandaro inaad xukumada iyo kooxdan iska horkeento si ay mucaaridad ugu bilaabaan,Bal akhriste ila eeg sida Abwaan/Macalin gaariye usharaxay fanaanka maansadiisii Hoobal (1976)

Hoobal bay yidhaahdaan;

Indhoolaha anaa haga;

Ka hallaysan lay direy;

Halyey-yada anaa ladha;

Anaw hiisha wadhatada.

Hayaanka iyo geeddiga

Hayin dhaamiyaan ahay.

Haddii ay dagaal tahay

Hub dhacaaya baan ahay;

Nabaddana hadh baan ahay.

Adoo nacab ku haystoo

Halis aad u dhawdahay,

Rajo kuu hirtaan ahay.

Hanfigiyo kulaylaha

Hadhac lagu nastaan ahay.

Adigoo harraad qaba

Haro laga cabbaan ahay.

Taariikhda hodanka ah

Hor-dhaceedi baan ahay.

Hirdi iyo colaad iyo

Wixii halas la soo maray

Giddi waan u hagar baxay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here