Haddii Aad Calaamadahan Ku Aragto Taleefankaaga Gacanta Waxa Aad Ogaataa In Ay Cidi Ku Basaasayso

0
908

Taleefanka gacantu waxa uu ka mid noqday halbawlaha nolol maalmeedka qofka, sidaa awgeed qof kasta oo xiisaynaya in uu xado aqoonsigaaga, in uu basaaso xogtaada gaarka ah ama in uu xisaabaadkaaga maaliyadeed u dhaco, bartilmaameedkiisa koowaaad waa in uu taleefankaaga gacanta jabsado.

Maqaal dhowaan ay faafisay majaladda caanka ah ee Readers Digest oo ka soo baxda dalka Marayknaka ayaa uu qoraaga Jo Mackinlay ku soo bandhigayaa calaamado haddii lagu arko taleefanka gacanta caddaynaya in ay jirto cid jabsatay taleefankaaga.

Calaamadahaas kuwooda ugu muhiimsanna waxaa ka mid ah:

  1. Internet ka (DATA) oo uu isticmaalkiisu aad kor ugu kaco

Waxa aad tagtaa taleefankaaga gacanta qaybtiisa muuinaysa Isticmaalka Internet ka oo loo yaqaanno ‘DATA Usage” si aad u aragto xaddiga Data ee internet kaaga ka baxaysa. Haddii aad ku aragto xaalad aan caadi ahayn ama taleefanka oo marka aad wax ku soo dejinayso aad u cuslaada ama aad aragto in isticmaalka internet kaagu uu sabab la’aan u kordhay, waxa aad ogaataa in ay tahay calaamad kuu sheegaysa in cid ku basaasaysaa ay taleefankaaga ku shubatay barnaamijyo lagula soconayo.

  1. Baytariga oo uu si degdeg ah dabku uga dhammaado

Calaamadaha ugu muhiimsan ee ina tusi kara in taleefankeenna gacanta ay cidi jabsatay waxaa ka mid ah dabka oo si degdeg ah uga dhaca. Barnaamijyada basaasiddu maadaama oo ay shaqo joogto ah ka wadaan taleefankaaga, mar kasta waa ay shaqaynayaan adiga oo aan arkayn, shaqadaas aan kala joogsiga lahayn ayaana dilaysa dabkii taleefanka. Haddii aad aragto taleefankaaga oo si aan caadi ahayn uu dabku dhaqso uga dhammaanayo waxa aad ogaataa in ay jirto cid jabsatay, oo xogtaada basaasaysaa.

  1. Taleefanka oo kululaada

Haddii heerkulka taleefanku uu kor u kaco, xitaa mararka qaarkood adiga oo aan isticmaalayn, waa calaamad suurtagal ka dhigaysa in uu taleefanku si xawaare sare ah u isticmaalayo internet ka ‘DATA’. Haddii aad dareento in taleefankaagu kululaanayo, waxa aad ogaataa in ay suurtagal tahay in ay jirto cid basaasid ka dhex wadda taleefankaaga gacanta.

  1. Barnaamijyo cusub oo aad ku aragto shaashadda taleefankaaga gacanta

Mararka qaarkood waxaa dhacda in qofku uu shaashadda taleefankiisa ku arko barnaamij (APPs) aanu isagu soo dejisan ama hore ugu jiri jirin taleefankiisa, haddii xaaladdani adiga kugu dhacdo si degdeg ah u hubi in barnaamijkaasi uu markaas shaqo ku jiro. Sida aad ku ogaan kartaana waa in aad tagto qaybta isticmaalka dabka ee taleefankaaga oo aad hubiso barnaamijyada markaas shaqaynaya ee dabka badan isticmaalaya. Haddii barnaamijyadaasi ay yihiin kuwo aanad garanayn ama aanad ku ogeyn in ay taleefankaaga ku jiraanna waxa aad aqoonsataa in cidi ku basaasayso.

  1. Taleefankaaga oo iskii u tegeya qaybta laalinta muuqaalka tooska ah (Live Video)

Taleefankaaga gacanta oo iskii u taga qaybta lalinta fiidyowga tooska ah (Live Video) waxa ay ka mid tahay hababka ay basaasiintu adeegsadaan marka ay taleefanka qofka jabsadaan, waxa aanay ujeedadu tahay in si muuqaal ah ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa qofka iyo codkiisaba.

Haddii aad mar uun aragto taleefankaaga oo adiga oo aan dooran doonaya in uu adeeggan iskii u bilaabo ama bilaabayba. Waxa aad ogaataa in ay jirto cid doonaysa in ay kamaradaada adiga kugu basaasto. Si aad u sii hubiso, marka aad xaaladdan aragto waxa aad iyagana dib u hubin kartaa xaaladihii aynu hore u soo sheegnay oo haddii aad iyagana aragto kuu noqonaya marag kale oo kuu sii caddaynaya in lagu jabsaday.

  1. Adeeggii taleefankaaga casriga a (Smart Phone) oo hoos u dhacay

Haddii aad taleefankaaga casriga ah (Smart) ku aragto culays iyo dib u dhac, tusaale ahaan farriimaha diristooda ama helistooda oo waqtiga caadiga ah ka dib dhacaya, ama guud ahaan hawlaha kale ee taleefankaagu kuu qabto oo culays ku jiro, waxa ay calaamad u noqon kartaa in ay jirto cid taleefanka kula wadaagaysa si ay ula baxdo xogtaada ama ula socoto dhaqdhaqaaqaaga.

  1. Taleefankaaga oo cid iska garaaca ama farriin iska dira

Haddii aad aragto taleefankaaga oo iskii isaga tegey qaybta dirista taleefannada ama aad aragto isaga oo jooga qaybta dirista farriimaha ama farriin in uu diro isu diyaariyey, waa calaamad kale oo muujinaysa in ay cidi basaasid ka dhex waddo taleefankeenna gacanta.

  1. Barnaamijyo iyo daaqado isk furmaya

Haddii aad aragto taleefankaaga gacanta oo ay ku soo dhacayaan muuqaallo iyagu is furaya, iyo in qaybo ama daaqado taleefanka ka mid ahi iskood u furmayaan adiga oo aan dalban, waxa aad ogaataa in ay shaqo basaasid ahi ka dhex socoto taleefankaaga gacanta. Markan oo kale waxaa iyaduna muhiim ah in aad u fiirsato qoraallada ku dhex yaalla muuqaallada iyo sawirrada kugu soo dhacaya, waayo waxaa dhici karta in laga dhex helo caddayn muujin karta cidda kugu daba jirta. Waxaa iyaduna suurtagal ah in sababta muuqaalladani ay tahay barnaamij buka (Virus) oo aad marka hore adigu ka gashay taleefankaaga kaddibna kaaga tegey ‘Adwares’ taleefanka ku qasbaya in uu soo bandhigo xayeysiisyo mar kasta oo la gujiyo ay cidda soo dirtay lacago ku helayso.

  1. Haddii aad hesho Farriimo digniin ammaan ah

Haddii taleefankaaga la jabsado waxaa laga yaabaa in aad ka dareento hawlo aan caadi ahayn, waxaa ka mid ah in ay kugu soo dhacaan farriimo la xidhiidha adkaynta ammaanka macluumaadkaaga (Information Security), tusaale ahaan farriimo kuu sheegaya in cidi ay taleefan kale ka soo gashay ‘Email’ kaaga, ama in taleefan kale laga soo galay bogagga aad ku leedahay baraha bulshada. Ama aad aragto codsiyo lagaa rabo in aad mar kale ku celiso furahaaga sirta ah (Passwords) ama farriimo kale oo kaa raba in aad xaqiijiso (Confirm) akoonno / xisaabaad uu kuu sheegayo in aad iska diiwaangelisay, laakiin aad ogtahay in aanad iska diiwaangelin.

  1. dhawaaq aan dabiici ahayn oo aad ka dhex maqasho taleefankaaga

Dhaqaaqa iyo sanqadha ama guux aad ka dareento taleefankaagu waa calaamad kuu sheegaysa in hadalka taleefankaaga ama Khadka taleefanka aad ka hadlayso la basaasayo.

  1. Taleefankaaga oo aad xidhi kari weydo

Haddii aad taleefankaaga wax aad garanweyday ama ka shakiday ku aragto, si degdeg ah u demi, adiga oo itna aad hawsha deminaysana eegaya hawlaha uu qabanayo ama waxa dhacaya si aad u ogaato in wax aanad uga barani dhaco. Waayo taleefannada la jabsaday inta badan si dabiici ah uma demaan / bakhtiyaan. Waxaana dhacdaba in mararka qaarkood uu diido in uu demo.

  1. Farriimaha Email ka oo lagaa xidho

Haddii aad aragto email kaaga oo is xidhay ama shirkadda emailka aad ka isticmaashaa xidhay waxa aad ogaataa in ay jiri karto khatar ah in lagu jabsaday, oo qaybta ammaanka ee shirkaddu ay dareentay, kaddibna sidaas email kaaga lagu joojiyey.

Geeska

LEAVE A REPLY