Habeenkii Abwaan Abdilaahi xasan ganay iyo hargaysa

0
552

 

Written By Ahmedyasin

Hargeysa(Hargeisapress) Bandhig suugaaneed Abwaan abdilaahi Abwaan xasan ganay oo ka dhacay hotelka Maansoor maalintii Jimcaha habeenka Sabtidu taariikhduna ahayd 18/08/2017 soo galaysay,xafladaas waxaa kasoo qayb galay Madax,xisbiyada qaranka ,Abwaano,Iyo dadweyne tiro badan.

Waxaa halkaa ugu horayn ka hadlay Abwaan Xasan daahir weedhsame waxaanu ka warbixiyaay taariikhda abwaan Abdilaahi Abwaan xasan ganay waxaanu yidhi “ Abwaan Abdilaahi waa suugaanyahayn hido maal ah oo hibo maal ah, suugaantiisu waa suugaantii dhaqankeena miyiga u badan u badan waa suugaan looga maydhax diiray dhaqankeenii saafiga ahaaa”

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Abwaan Abdiraxmaan Abees wuxuuna yidhi “ Jiilkani wuxuu buuxiyay kaalintii abwaanadii oo muddo qaatay in la buuxiyo waxaana hormuud ka ah abwaan Abdilaahi xasan ganay hal abuurku waa afhayeen dahsoon oo huwan hab sawirka waayaha nolosha ee bulshada “

 

 Daawasho wanaagsan

Hargeisapress Office

LEAVE A REPLY