Ha Qod-qodin Meel Aan Kuu Qodmeyn Ina Muuse Diiriyaw, Fariin Ku Aadan Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha.

0
1618

Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa xayirey dhul ay Xukuumadii hore Madaxweyne Daahir Rayaale siisey Ganac-sadaha weyn ee (Seed Company), Ama Mudane: Axmed Xasan Seed, Dhulkani wuxuu leeyahay sharci dhameystiran oo la mid ah sharciga dhigiisa la mid ka ahaa ee muwaadiniinta kale iyo ganacsatoba dhisteen, Dhulkan waxa ula tagey wasiirka niman damaaciyiin ah oo aan sharci haysan kana mida ahaa shaqaalihii odeygii John Drysen ee beeraha Planeka u sameyn jirey, Kuwaasi oo quuda-reynaya inay wajaale dhul ka helaan ama ay ganacsatada waaweyn baadhaan.

Hadaba wasiirka waxaan u direynaa fariin ah , Dhulka waa la garanayaa cida leh sharci buu leeyahay ka qaad xayiraada aad saartey hadii kale cawaaqib-xumo ayaa ka dhalaneysa maxaa wacay waxaad tihiin isu hayb ninka aad u xanibtay, Mida kale sharci ma laha lamana siin yaga xiligaa la bixiyey hamiganina yagu ma laha waxa leh niman madaxa oo hungureynaya in laga laaluusho, Taasina dhicimayso oo waa layska raaci doonaa hadii talaabadaa xayiraadu sii taagnaato, Maxaa wacay waxa imika la joojiyey dhisme socday oo kharash iyo maal galey, Ta saddexaad muwaadinka dhulka laga joojiyey waa cashuur-bixiyayaasha ugu muhiimsan uguna waaweyn dalkan Somaliland.

Markaa mudane wasiir yaan lagu qaldin way nool yihiin madaxdii xukuumadii bixisey kuwii la midka ahaana waa la dhisey, Nimankan ku andacoonaya waa lana siiyeyda waxa ahaayeen tuug John Drysen u shaqeyn jirtey oo dhul raadis ku mabey, Hadaba yey ku qaldin wasiir oo yaaney indho-sarcaad ku saarin nimankaa waa laysla garanayaaye, Waxaan kuu soo jeedin lahaa inaad arintaa sharcigeedu dhamayska yahay aad faraha kala baxdo hadiise aad la safato arimuhu way xumaan doonaan, Sidoo kale dhambaalka soo jeedinta ah waxaan yagana u direynaa masuuliyiinta dhabar-taabashada ku hawlan ee hungureynaya lulashada dhiskan laga xanibey muwaadinka ganacsadaha weyn ah.

Guntiyo gaba-gabada waxaan ku soo af-meerayaa mudane wasiir ha qod-qodin meel aan kuu qodmeyn nimankaa dacwada kuula yimideyna ku qanci in aaney sharciga ka talaabsan, Sida ugu dhakhsaha badana ha looga qaado Xayiraada dhismaha liiterka taagan ee maalku galey isla markaana la joojiyey, Hadii kale gadhba, gadhbaa la tusaaye si qaawan baa loo wada hadli adna waxaad noqon nin xaafad difaacaya oo shaanbad baa kugu dhacaysaa, Mudane wasiir u fiirso oo tix-raac muwaadinkan ganacsadaha ahi cashuurta uu dalka siiyo , Iyo bajaaj laha aad simeyso kaasoo waliba dhabarka la soo taabtey oo aanu hamigaasi fikirkiisa ka iman, Gari laba nin kama wada qoslisee Ina Muusaw waxa lagaaga fadhiyaa daweynta il-duufka aad isu qaadey.

Qore: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here