Somaliland: Guurtida Oo Wali Ku Hawlan Xallinta Khilaafka Wakiilada iyo Fadhigii Maanta Oo Sabtida Loo Riixay

0
1027

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddida Golaha Guurtidu u Xilsaartay Xallinta Khilaafka Aqalka Wakiilada ayaa wali ku hawlan isku soo dhaweynta labada dhinac, waxaanay fadhigii Golaha ee Maanta ku beegnaa dib ugu riixeen Maalinta sabtida ee soo socota.

Guddida ayaa la filayaa inay Maanta labada dhinacba la fadhiistaan islamarkaana ka qabtaan tabashooyinkooda iyo warqadaha Cabashadooda,iyadoo wararka qaar sheegayaan in Guddidu isa soo hor fadhiisin doonto.

Golaha wakiilada oo Guurtidu dib u dhigtay Sabtidii mudo laba cisho ah ayaa haatan wakhtigiisa dib loogu riixay sabtida, waxaana la sugayaa xalka Guurtidu ka gaadho labada dhinac.

Murankii Sabtidii ee ku saabsanaa Xil ka qaadista Gudoomiye Cirro, ayaa qalalaase iyo walwal dhanka amaanka ah galiyay Bulshada Somaliland iyadoo beesha caalamkuna walaac ka muujisay.

Haddaba ilaa hadda Warar intaaasi dheeri kam soo bixin Golaha Guurtida ..

 

LA SOCO WARARKA KA SOO KORDHA…

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here