Gudoomiye Xigeenka 1-aad Ee Golaha Guurtida Oo Ka Xog Waramay Kulan Gaara Oo Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Sool La Yeesheen Danjire Nicholas Kay

0
959

Golaha Guurtida Siciid Jaamac CaliHargeysa,(HargeisaPress) — Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali Ayaa faahfaahin ka bixiyay Kulan dhex maray Siyaasiyiinta Somaliland ee Gobolka Sool ka soo jeeda iyo Danjiraha Somaliland iyo Somalia u qaabilsan Nicholas Kay.

Kulankan ayaa daba Socday kulan Nicholas Kay uu la yeeshay Siyaasiyiinta Sool ka soo jeeda ee Garoowe jooga, kuwaasi oo u sheegay in Beesha degaankaasi raacsan tahay Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay Siciid Jaamac Cali Inay Nicholas Kay u sharaxeen Xidhiidhka qotoda dheer ee Beesha iyo Somaliland ka dhexeeyay “ Kulankan  waxaanu ahayn Siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameedyo ka soo jeeda Gobolka Sool, Si gaara ayaanu ula kulanay Nicholas Kay. Runtii waanu la soconay inuu xaggaas(Garoowe) kula kulmay Nimanka Reer Puntland, waxyaabaha aanu kala hadlaynay eenu u bandhignay waa laba qodob  oo mid yahay inaanu marka hore u sheegno Somaliland iyo Beeshaasi Xidhiidhka ka dhexeeya, kaasi oo aan ahayn mid ku kooban intii Dawladdii Somalia dhacday, ee uu ahaa mid ilaa iyo Boqol sano in ka badan soo jiray, kaasi oo ahaa wakhtigii Ingiriiska iyo ka hor. Waxaanu u sheegnay in Markii aanu Dawladda Ingiriiska Heshiiska la galay ay ahayd 1886-dii”Ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali Oo u Waray Telefishanka BulshoTV.

Gudoomiye xigeenka oo ka hadlay Nimanka ay isku haybta yihiin ee Puntland jooga farriinta ay Nicholas Kay u soo dhiibeen eeku aadan in Beeshoodu raacsan tahay Maamulkaasi ayaa yidhi “ Beesha la Yidhaahdo Harti waa kala dan, Anagu walaalaanu nahay Nimankaasi laakiin, isku dan iyo isku Dal iyo isku hawlo midna ma nihin, Waanuna u sheegnay Nicholas Kay. Ta kale ee aanu gaarka ugu sheegnay ee Beeshayda gaarka u ahina waxa weeye Shirkii 1998-dii Puntland lagu sameeyay Beeshayda Warsan-gali ma saxeexin heshiiskaas, Beesha Warsangali wax saxeex ah oo ay ku leedahay ma jiro. Waayo waxa uu sharcigeedu ahaa inay Madaxdhaqameedyada, Salaadiinta iyo Garaadadu saxeexaan, Annaga Suldaankayagu ma saxeexin.” Ayuu yidhi Gudoomiye Xigeenku

Ugu dambeytii Gudoomiye xigeenka Guurtidu waxa uu sheegay inay Nicholas Kay kala hadleen Arinta ah in Gobolada Sool iyo Sanaag lagu tilmaamo Meel lagu muransan yahay, taasi oo Beesha Caalamku hadda u astaysay meel lagu muransan yahay. Waxa uu sheegay inay u caddeeyeen in Dhulkaasi yahay dhul Somaliland oo xuduudihii Ingiriisku sameeyayna yihiin mid caddaan ah.

“Arinkani waa arin iska Caadifad ah, Aduunkana haba yaraatee kama jirto Xuduud Qabiileed, Meel la yidhaahdo Waa Xuduud qabiil kama jirto Aduunka(Clan Border wax la yidhaa ma jiro” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Siciid Jaamac Cali.

Nicholas Kay ayaa intii aanu Somaliland iman, waxa uu soo maray Garoowe,halkaasi oo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Sool ugu sheegeen in Beesha degaanka Sool raacsan tahay dhinaca Puntland islamarkaana Aanay Somaliland Ogolayn, balse Siyaasiyiinta Gobolkaasi ee Hargeysa jooga ayaa u sheegay inaan arintaasi waxba ka jirin.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY