Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Iyo Xisbigiisa Ucid Oo Aaminsan In Dalku Tallo Qaran U Baahan Yahay

0
924

Hargeysa , (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa  guddoomiyay shir hoggaanka xisbiga iyo guddida fulintu kaga doodayeen xaaladda guud ee Somaliland marayso.

Kulanka ayaa laga soo saaray dhawr qodob oo lagu sheegay in dalku talo Qaran u baahan yahay baaqna loogu diray beelaha dhawaan ku dagaallamay gobolka Sool iyo degmada Ceelafweyn.

Hoggaanka xisbiga UCID wuxuu ugu horayn beelaha ku dagaallamay dhawaan koonfurta Gobolka Sool ugu baaqay in ay joojiyaan colaadda, islamarkaana isugu yimaaddaan miiska wada hadalka sida dhaqanka iyo caadada u ah Somaliland. Waxa kale oo ay ku baaqeen in qodobadii heshiiska Ceelafweyn lagu dhammeeyo haweenay dhawaan lagu dilay degaanka Ceelafweyn. Waxa uu hoggaanka xisbigu u duceeyay dadka ku naf waayay dagaallada beelaha isaga oo dadka dhaawaca ah Alle uga baryay in uu u boogo dhayo.

Geesta kale  hoggaanka sare ee xisbiga UCID waxa uu sheegay in dalku marayo xaalad qallafsan oo u baahan in talo Qaran laga yeesho si xal Qaran loogu helo.

“Waxa uu xisbigu bilaabayaa wada tashi uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland markuu arkay xaaladaha qallafsan ee ka jira dalka sida: nabadgalyada, dhaqaalaha, doorashooyinka iyo isbedellada guud ahaan ka jira mandaqada Geeska Africa,” Sidaas ayaa lagu yidhi qodobka saddexaad ee warsaxaafadeedka xisbiga UCID ka soo saaray kulankiisa.

Qodobka ugu dambeeya oo sii daba socday qodobkaasi ayaa lagu yidhi ” Si loo gaadho wada tashi Qaran oo ay isugu timaaddo dhammaan bulshada reer Somaliland si xal qaran looga gaadho dhammaan dhibaatooyinka ka taaggan dalka.”

Qodobada ka soo baxay shirka hoggaanka xisbiga UCID ayaa imanaya xilli loo arko in aanu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la jaanqaadin isbedellada ka socda gobolka Geeska Afrika oo ay door ka ciyaarayso xukumadda Muqdisho oo ay si weyn siyaasadda isugu hayaan Somaliland. Sidoo kale mushkiladaha maxalliga ah ee dhanka ammaanka ayaa taaggan sida: dagaal beeleedyada, xiisadda Tukaraq iyo kala qaybsanaan siyaasi ah oo ka dhalatay doorashadii loogu cumaamaday talada dalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY