Gudoomiye Cirraha Waddani oo lagaga Mudaharaaday Awdal iyo Ilaaladii la socotay oo Wiilyar ku toogtay Magaaladda Dilla iyo Cida uu yahay

0
1426
Waftigii gudoomiye Cirro hogaaminayay

Dilla, (HargeisaPress) —Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo waftigii Xisbiga Waddani ee kusii jeeday Gobolka Awdal ayaa Mudahaaradyo lagaga soo Horjeedo ay ka dheceen Deeganadda Gobolkaasi waxana mudaharaad Weyn oo ka dhacay Magaaladda Dila, uu isku badalay rabshado watay Shiid iyo rasaas Halkaas oo uu ku geeriyooday Wiil yar oo ay toogteen askartii la socotay.

Alla ha u naxariistee Wiilkan oo lagu sheegay 20 jir isla markaana uu dhalay Caaqil Ibraahim Ismaaciil Guuleed oo ka tirsan cuqaasha degmada Dila isla markiina geeriyooday.

Wiilka oo Magaciisa La odhan jiray Mukhtaar Caaqil Ibraahim Ismaaciil Guuleed kana soo jeeday beesha Reer Nuur /Maxamud Nuur/Bahjibraacin ayaa goordhawayd lagu aasayaa Degmada Dila.

Waftigii gudoomiye Cirro hogaaminayay ayaa waxay goordhawayd gaadheen magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal,waxaana loo diiday inay bulshadii soo dhawaynayay iyo taageerayaashii xisbigaba ay uga khudbadeeyaan khayriyada magaalada Borama,waxaana ugu danbayn loo diyaariyey waftigan goob beer ah oo ay kula hadlayaan taageerayaasha iyo bulshadii sida wayn usoo dhawaysay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here