Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Si Deg-deg Ah Xalay Uga Soo Guureeyay Magaalada Burco Iyo Xaalada Golaha Wakiilada Oo Cakiran

0
1018

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo safar shaqo ku joogay Magaalada Burco, ayaa si ka deg deg ah uga soo baxay Magaalada Burco Habeenkan Caawa ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay u soo boqooleen Xarunta Dalka ee Hargeysa, Safarkan Guurada ah ee uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Caawa kaga soo Ambabaxay Burco ayaa ka dambeeyay ka dib markii Galabta ay Xukuumada Siilaanyo Inqilaab kula wareegtay Xarunta Baarlamanka Somaliland, iyadoo  Golaha la wareegeen Ciidamada RRU-du.

Xukuumada Siilaanyo ayaa isku diyaarinaysa in Maalinta Sabtida ah ay si xoog ah Xilka uga Qaado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro.

Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro

Safarka Degdega ah ee uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Waftigiisu kaga soo baxeen Magaalada Burco ayaa waxa uu ku lug leeyahay Xaalada ku soo korodhay Golaha Baarlamanka ee ay Xukuumada Siilaanyo weerarka qaawan ku soo qaaday.

Geesta kale Xukuumada Siilaanyo ayaa Ciidamo Cusub soo dhoobtay Xarunta Golaha Baarlamanka Somaliland, iyadoo gabi ahaanba laga qaaday Ciidamadii hore ilaalada uga ahaa Xarunta.

Ciidamada Cusub ee Xukuumada Siilaanyo soo dhoobtay Xarunta Baarlamanka Somaliland ayaa hor dhac u ahaa Weerar Qaawan oo Xukuumadu la maagan tahay Golaha Wakiilada Somaliland, islamarkaana ku doonayso inay si jujuub Iyo Xoog ah Xilka kaga qaado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somalilad ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Weerarkan ay Xukuumada Siilaanyo Kula Wareegtay Golaha Baarlamanka Somaliland ayaa waxa uu ka dambeeyay Kulamo xidhiidh ah oo oo dhawrkii habeen ee u dambeeyay ka socday Aqalada Madaxtooyada iyo Aqalka Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, kulamadaas oo lagu go’aamiyay in maalinta Sabtida ah Weerar Xilka lagaga qaadayo Gudoomiyaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxaaana Galabta oo Khamiis ah ay Xukuumadu bilawday diyaar garaw ay Maalinta Sabtida ah ay ugu talogashay inay kula wareegto Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, si ay u Cabudhiso islamarkaana ay Awood Ciidan Xilka kaga qaado Gudoomiyaha Golaha.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here