Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay,Kana Hadlay Biyo Balaadhinta Caasimada

0
1103

faysal iyo cirroHargeysa,(HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay muranka ka taagan biyo galinta Xaafado ka mida Caasimada Hargeysa oo mudooyinkii danbe laysku hayey soo galintooda,waxaana uu Carabka ku dhuftay in biyaha la soo galin wax qabyaalad ah oo looga fakero danbta Umadda.

Eng:Faysal Cali Waraabe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay garonka diyaaradhaa ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa.

“Marka aanu debada joogno waxa aad lagaga sheekaysanayaa arinta biyaha Hargeysa oo noqotay fadeexad kale, arintaasna waa in laga daayo qabyaalada waana arin farsamo umada Somaliland meel kasta oo ay joogto waxay u baahan tahay biyo masuuliyaduna waxay saaran tahay dawlada, mashruucaas waa laynagu caawiyey, haddii aan faraha laga qaadin oo aan loo dayn dadkii xilkaas lahaa waxay noqon doontaa sidii warshadii sibidhka ee lagu heshiin waayey meeshana ku baabaday, arintaasna waxaanu jecel nahay inaanu xisbi ahaan galno, waana in laga daayo telefishanadan qabyaalada lagaga hadlayo waxaanan soo jeedin lahaa in laga mamnuuco arimahaas  telefishanada oo baarlamaamku soo saaro sharci joojinaya in telefishanada qabiil lagaga hadlo, wasiirada abaabula ee salaadiinta yidhaahda hadla waxaanu leenahay ha joojiyaan arimahani waa ceeb, waana in loo jeedsadaa inay doorashadu dhacdo oo umada la mideeyo.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here