Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka oo damiin lagu sii daayey

0
776

Maanta oo bishu tahay 6da May 2015 waxa damiin lagu sii daayey Guuleed Axmed Jaamac oo ah gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka. Guuleed waxa la xidhay 18kii April 2015 kadib markii uu waraysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.  Waraysigaas oo uu kaga hadlay habkay dacwadaha u qaadaan maxkamadaha dalku isla markaana uu ku taliyay in la tayeeyo maxkamadaha iyo hay’adaha kale ee sharciga. Maxkamadda Gobolka Hargeysi waxay 20kii April u dirtay rumaan todoba maalmood ah oo ku ekaa 26kii April. Balse intaas kadib maxkamad lama horgeyn. Maanta ayaa laga sii daayey Xabsiga Dhexe ee Hargeysa Guuleed.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad ugu mahad naqaysaa dadkii, ururadii iyo dawladihii sida adag ugu dooday xorriyada Guuleed Axmed Jaamac. Waxannu si wayn ugu mahad celinaynaa taageeradooda.

Xarunta Xuquuqal Insaanka waxa ka go’an inay sii wadato hawleheeda. Xarunta Xuquuqal Insaanku waa urur diiwaangashan oo dhexdhexaad ah oo madaxbanaan oo saldhigiisu yahay Hargeysa, caasimadda Somaliland.

 

Hana Cabdisalaam Maxamed

Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: hana.mohammed253@gmail.comwebsite www.hrcsomaliland.org

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here