Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Fasax Ay Helayaan Shaqaalaha Dawladu + SAWIRRO

0
1551

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed ayaa ku dhawaaqay fasax ay heli doonaan shaqaalaha dawladu.

Gudoomiye Sharmaarke oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay fasaxa ay helayaan shaqaalaha dawladu, waxaanu yidhi Dabaal-degga Xuska 27-guurada dib-ula soo noqoshada qaranimada JSL

Iyada oo maalinta beri ah ee taariikhdu tahay 15/05/2018 ay ku beegan tahay maalinta loo asteeyey muujinta iyo dabaal-degda xuska 27-guurada kasoo wareegtay dib-ula soo noqoshadii xoriyadda dalka JSL

Guddida Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo tixraacaya go’aanka guddida heer qaran ee qaban-qaabada xuska maalintan qaran ee ku aadan in loo soo raro dabaal-degga 15/05/2018, waxa ay shaqaalaha dawladda ku wargelinaysaa in maalinta berri ah shaqaalaha dawladdu fasax ka noqon doonnaan shaqadii maalin-laha ahayd iyada oo shaqada lagu soo laaban doono maalinta Arbacada ee bishu tahay 16/05/2018

Sida oo kale, 18/05/2018 iyo 19/05/2018 ayaa sidii caadiga ahayd noqon doona maalmo fasax maadama ay yihiin maalmaha qaranka ugu astaysan munaasabada qaran ee dib-ula soo laabashada madax-banaanida JSL

F.G – Maalinta 18/05/2018 ayaa ku beegan maalin Jimce ah balse maadama 15/05/2018 shaqaalaha dawladda la fasaxay ma noqon doonto maalin fasaxa dib loogu riixi doonno.

Guud ahaan shacabka JSL iyo shaqaalaha dawladda gaar ahaan waxaan u rajaynayaa bash-bash iyo bilkheyr iyo in ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan horumar iyo himilada qarana oo guul lagu gaadho.

 

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

LEAVE A REPLY