Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Shaaciyey Inay Bilaabeen Kala Shaandhaynta Xogtii Shaqaalaha Dawladdu, Kadib Wajigii Tirinta Oo Soo Dhamaaday

0
1183
Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

“Somaliland waxa ay cagta saartay in ay yeelato xog ay ku qorshe iyo qiyaas qaadan karto” Gudoomiye Sharmaake Geelle

Hargeysa,(HargeisaPress) —Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa shaacisay inay dhamaystirtay dib u eegistii diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ka dambaysay hawlgalkii 70-ka maalmood qaatay ee diwaanglelinta Madaxtaabashadda shaqaalaha dawladda ee guud ahaan deegaanadda dalka Somaliland ka qabsoontay isla markaana ay hada guda galeen xog xarayntii iyo kala hufistii diwaangelinta shaqaalaha.

 

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo  Xafiiskiisa  Hargeysa Warbaahinta kula hadlay, ayaa ka warbixiyey hawshii ay  dhawrkii todobaad ee u dambeeyey Hay’addoodu gacanta ku hayeen ee dib u eegista wixii cabashooyin ah ee shaqaalaha dawladdu ay ka qabaan wajigii 1aad ee mashruucii ay 70 ka maalmood dalka ka fuliyeen oo ay soo dhamaystireen isla markaana hada la gudo galay Kaydinta Xogtii Diwaangelintii shaqaalaha dawladda  Somaliland ee ay soo diwaangeliyeen iyo sidii loo sii kala hufilahaa wixii ka soo baxa ee qaladaad yar yar ku jirana loo sii sixilahaa.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo warsaxaaffeedka uu warbaahinta ka siiyey halka ay u mashruuca diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ay dalka ka wadeen maraayo waxa uu yidhi.

Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday dib-u-eegistii lagu samaynayey diiwaangelintii Shaqaalaha waxaana la gudo galay xog-xarayn iyo kala hufid.

– Shaqaalaha dawladda waxaa laga soo xareeyey xogtii ugu badnayd abid ugu dambayna waxay yeesheen kayd aan dib loogu hawshoon doonin

– Kala hufidan oo maalmo kooban socon doonta kadib, waxaa la heli doonaa kaalmaha tartanka loo geli doono sidoo kale shaqaalaha dawladda waxaa looga jawaabi doonaa intii baylah ama baahi laga soo arkay.

– Shaqaale walba waxaa laga soo waraystay dhinacyada; xogtooda qofeed, soyaalkooda waxbarasho, heerka xirfadiisa, hubinta in derajada iyo aqoon ama xirfad waxa uu leeyahay isku dhigmaan, hannaanka mushaharku u soo gaadho, helida gunooyinka kala duwan, cabasho ama codsi waxa ay hayaan iyo sidoo kale tallo ama tilmaam waxa uu bixinayo IWM

Somaliland waxa ay cagta saari doontaa qorshe xog ku salaysan.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here