Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo Dhambaal Tacsi ah u Diray Geeridii Marxuum C/weli Faarax Jaambiir.

0
888

tacsiGeeri Naxdin Leh: Suxufi weyn baa baxay: Geeridu waa xaq lawada sugayo, waxase shalay dhammaanba shacbiga JSL ka nicisay geerida Cabdiwali Faarah Jaambiir. AIle ha u naxariisto, iilka Neecaw qabowiyo ha ku siiyo Naruuro. Marxuun Cabdiwali Faarax Jaambiir waxa uu ahaa Suxufi waayo-arag ah oo in badan ka soo shaqeeyey hano-qaadka saxaafada xorta ah ee dalka. Waxa aad loogu xasuustaa barnaamijyadii tayada iyo tabinta wanaagsaa ee taariikhdii halgankii SNM. Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO, Mubarak Ismail Taani, Xubnaha Golaha Sare ee Dallada, Agaasimaha Fulinta Dallada SONYO, Siciid Maxamed Axmed iyo dhammaan shaqaale weynaha Dallada SONYO iyo dhallinyarada JSL-ba waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan shacbiga JSL, waxa ay tacsi gaar ah gaadhsiinayaa ehelka qaraabada iyo asxaabta marxuumka, si gaar ah waliba Muuse Faarah Jaambiir iyo maamulka Wargeyska Ogaal dhammaantood iyo guud ahaan bahda saxaafada JSL ee marxuumka muddada dheer ka tirsanaa. Dallada SONYO waxa ay Alle uga baryayaan Marxuum Cabdiwali Faarah Jaambiir in Alle u naxariisto, iilka u waasiciyo, janooyinkiisiina ku sooryeeyo.

 

Alle ha u naxariisto marxuumka.

Mubarak Ismail Taani,

Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here