Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Oo Dhambaal ah Udirey Shacbiga Somaliland iyo Dhalinyarada Dalka Munaasibada Ciidal-Fidriga Awgeed

0
1122

GUDDOOMIYAHA sonyo(1)Hargeysa,(HargeisaPress) — Gudoomiyaha Daladda Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Mubaarik Ismaaciil Cabdi ayaa dhambaal hambalo ah udirey Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland,iyo dhalinyarada Somaliland Munaasibada Ciidal-fidriga Awgeed.

Warsaxaafadeed kasoo Baxey Xafiiska Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo oo ku sahabsahan dhambaalka Hambalyada ah ee Gudoomiyaha Sonyo,oo soo gaadhey hadhwanaagnews waxa uu udhignaa isagoo dhameys tiran sidan.

  “Guddoomiyaha Dallada SONYO Iyo Hambalyada Munaasibadda Ciidda Soon-Fur

 Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo ku hadlaya Magaca Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir, Dhammaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Agaasimaha Fulinta SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Dhammaan Shaqaalaha Xarunta SONYO iyo Isu-duwayaasha Gobolada SONYO, Masuuliyiinta Ururada dhallinyarada Somaliland, dhammaan Ardayda Dalka Dugsi Iyo Jaamacadba iyo Guud ahaan Dhallinyarada reer Somaliland Gudo iyo Dibadba waxa uu Hambalyo iyo Bogaadinta Munaasibadda Ciiddal Fidrida Hawada u marinayaa dhammaan Shacabka reer Somaliland, Masuuliyiinta Qaranka iyo Guud ahaan Dhallinyarada Somaliland isaga oo ku hambalyeynaya Munaasabadda Ciidda Soon-fur ee Ciidal-fidriga.

Guddoomiyaha SONYO waxa uu dalka iyo dadkaba ugu ducaynayaa in uu sannadka sannadkiisa innagu gaaadhsiiyo Cibaado suubban iyo camal wanaagsan, Horumar Qaranimo, guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland-na bash bash iyo barwaaqo tii ku gaadha Himilooyinkeeda qaranimo”.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

LEAVE A REPLY