Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay + SAWIRRO

0
1035

MUQDISHO,(HargeisaPress) —Munaabad kooban oo ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka  Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Gudoomiyihii hore ee iscasilay  mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta ka dhacday Xarunta Gudiyada iyo Guddoonka ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aad ee Golaha iyo labada Gudoomiye ee xilka isku wareejinayay.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ayaa lagu wareejiya dhamaan dukumiinyiyada Golaha, Hindiso sharciyeedyada horyaal golaha iyo maamulka guud ee Golaha.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa Munaasabadda ka jeediyay qudbad uu kaga hadlayay waxyaabihii u qabsoomay iyo ajandooyinka horyaalla Golaha, waxuuna sidoo kale ku wareejiyay Nuqulka Asalka u ah Dastuurka Soomaaliya, isagoo dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in la xaday Dastuurka Dalka.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in uu la kaashan doono qorshayaasha qabyada ah ee golaha horyaalla, waxuuna bogaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu hormuudka uga ahaa Golaha Shacabka Mudane Jawaari.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY