Gudida Dhismaha Wadada udhaxaysa Alleybadey iyo Arabsiyo Oo Umahad Celiyay Xildhibaan Amiin Cumar Cabdi Oo Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley

0
1122

Xildhibaan Maxamed Amiin CumarHargeysa,(HargeisaPress) — Xubnaha Gudida Dhismaha Wadada Degmada Alleybadey ilaa Arabsiyo ayaa, mahad naq jeediyay Xildhibaan katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi(Amiin-Cumar dheere), oo katirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Xildhibaankaas oo sida ay Gudidu Sheegeen fuliyay balanqaadkii qaadhaankii uu ugu deeqay Dhismaha Jidkaasi.

Mooge Cali Yuusuf Oo kamid ah Xubnaha Gudida Dhismaha Jidka Degmada Alleybadey ayaa, sheegay in ay umahad celiyeen afar xubnood oo kamid ahaa gudida Dhismaha Jidka Degmada Alleybadey,oo Xildhibaanka ka

Gudoomay qaadhaanka uu ugu deeqay Dhismaha Jidkaaso oo xiligan socda, waxaanu Mooge Cali Yuusuf xusey in ay Xildhibaanka ka gudoomeen afarta Xubnood ee Gudidaasi kamid ah Gudaha Magaalada Gabiley qaadhaanka uu ku darsadey Dhismaha Jidka Alleybadey iyo u dhexeeya Arabsiyo.

“Waanu ka Gudoonay Xildhibaan Amiin Cumar Cabdi oo katirsan Golaha Deegaanka Gabiley, waxaanu nagu gudoonsiiyay afar xubnood oo katirsan Gudida Dhismaha oo aan anigu kamid ahay waxaananu aheyn Mooge Cali Yuusuf,Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil,Muuse Galey, iyo Ibraahim Rashiid waanu uga mahad celinaynaa doorka uu Xidhibaankaasi ka geystey Dhismaha Jidka Degmada Alleybadey”Ayuu yidhi Mooge Cali Yuusuf.

Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo katirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, kow iyo labaatanka Xildhibaan ee Doorashadoo Deegaanka uga soo baxey Xubnihii ay Reer Gabiley u codeeyeen oo boqol iyo dheeraad ka badnaa islamarkaana, kamid ah Xubnaha inta badan ka qeyb qaata Arimaha Bulshada Gobolka Gabiley ayaa noqonaya Xildhibaankii u horeeyay ka qeyb qaata Dhismaha Jidka Degmada

Alleybadey iyo u dhexeeya Degmada Arabsiyo oo hada howshiisa dhismuhu ka socoto wakhtigan,waxaana looga baahan yahey Xubnaha kale ee katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley in ay ku deydaan Xildhibaan Amiin islamarkaana, ka qeyb qaataan Hurumarka Gobolka Ka Socda.

Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley oo ugu balanqaadey in ay ku darsan doonaan Dhismaha Jidka Degmada Alleybadey hal Kiiloo Mitir ayaa, ka meeraystey kadib markii Gudidu u doontay Qaadhaankaasi taas, oo ay Dadweynaha Reer Gabiley sheegeen in ay gudida u qabteen balan jkale islamarkaana, ay u sheegeen in ay sadex waji u bixin doonaan halkaasi Kiilo mitir iyadoo, looga baahnaa in ay laba Km oo kale ku darsadaan Jidkaasi Degmada Alleybadey walow xiligan uu ka jiro musuqmaasuq aan yareyni.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here