Guddoomiye Sharmarke Oo Kulan Hambalyo Iyo Dardaaran Ah Burco Kula Qaatay 50-Ka Qof Ee Gobolka Togdheer Ku Guulaystay Imtixaankii 328 Tartame Ay Ka Qaybgaleen

0
1135

“Ruuxda Dawladnimadu Waa In Muwaadin Walba Dalkiisa Caddaalad Ku Dhex Dareemo” Guddo. Sharmarke Geelle

Burco, (HargeisaPress) –Hay’adda SHAQAALAHA dawladda Somaliland, ayaa kulan Hambalyo iyo Sabootin ah Magaaladda Buruc o ugu qabatay 50-kii qof ee aqoonyahanka gobolka Togdheer ka mid ahaa ee ku guulaystay Imtixaankii loo galay shaqooyinka dawladda ka banaan ee la qaatay.

Kulan lagu qabtay Xarunta Jaamacadda ee magaaladda Burco, ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Guddoomiyaha Jaamacadda Burco University Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa kulan iskugu jiray  Sabootin iyo Hambalyo halkaasi loogu qabtay 50-kii Aqoonyahan ee Gobolka Togdheer ku guulaystay inay soo baxaan Imtixaankii Shaqooyinka Dawladdu qaadatay, waxaana md Sharmarke Geelle dheedho muhiim ah oo uu u tilmaamay in u jeedka dawladdu ka leedahay Imtixaanka lagu shaqaalaysiinayo muwaadiniinta ku kala dhaqan gobolada dalku tahay si loo dareensiiyo shacabka inay ruuxda dawladnimadu tahay in muwaadin kasta deegaanka uu ku dhashay Caddaalad uu ku helo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo khudbad ka jeediyey kulankaasi ayaa erayo dhaxal gal oo dardaaran, dhiirigelin iyo hambalyo ah u diray 50-ka qof ee Imtixaanka shaqooyinka dawladda loo qaaday ku guulaystao waxaanu yidhi “Sida odayaashii madashan ka hadlay sheegeen maanta waa maalin wayn waa maalin guud ahaanba ku wayn Somaliland oo ugu wayn dhinaca caddaalada wax wada lahaanshaha iyo dardargelinta shaqada dawladda iyo helida shaqaalenimo ku salaysan xirfad xor iyo xalaal ah oo runtii ka madhan wax walba oo kale, waa maalin runtii qiimo wayn u leh ruuxdda dawladnimada, ruuxda dawladnimadu waxa weeye qofku in uu muwaadnimo dhaba dareemo oo uu qofku ku dareemo dalka dhexdiisa inta uu joogo, dhamaan tartamayaashii shaqo ee 328 ka ahaa , waxaana ugu hambalyeynayaa dedaalkii uu midba meel ka soo gaadhay idinkana waxa laydinka doonayaa in aad qalbi wanaagsan aad ku soo dhawaysaan walaalkaagii aad la tartantay ee wixii aad u wada beretenteen runtii guushii uu xalafku adiga ku siiyey”

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY