Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle Oo Soo Gebo Gebeeyey Barnaamijka Siyaasadda Hagaha Qeexaya Kaalinta Xulashadda Shaqaalaha Kartidda Leh Dawladda Somaliland

0
1516
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

“Siyaasadan Ayaa Meesha Ka Saari Doonta In Shaqaalaha Dawladda Kaalin Uun La Isaga Dhiibo Waxaanay U Daadihin Doonta Qaranka Somaliland In Kaalin Walba Yeelato Halbeeg “Measurement” Lagu Gaadhi Karo”

Hargeysa , (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa si rasmi ah u soo afmeeray Siyaasadda Hagaha Qeexaya kaalin walba oo shaqo iyo kartida looga baahan yahay si shaqaalaha dawladu ugu tartamo.

Siyaasadda Hagaha Qeexaya kaalin walba oo shaqo iyo kartida looga baahan yahay si shaqaalaha dawladu ugu tartamo oo in mudo ah Hay’adda shaqaalaha dawladdu gacanta ku haysay jaangeynteeda, ayaa shalay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle uu si rasmi ah u soo gaba gabeeyey kulan hawleedka lagu dhamaystiray siyaasaddan cad ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland lagu dhaqi doono waxaana md Sharmarke  Geelle nuxurka Khudbadii uu ka akhriyey gebe gebadii shirkaasi u dhigneyd sidan.

Kaalin walba iyo kartida ay u baahan tahay “Competency frame work”

– Waxaanu maanta soo gabo-gabaynay diyaarinta haggaha qeexaya kaalin walba oo shaqo iyo kartida looga baahan yahay si shaqaalaha dawladu ugu tartamo.

– Siyaasadan ayaa meesha ka saari doonta in shaqaalaha dawladda kaalin uun la isaga dhiibo waxaanay u daadihin doonta qaranka Somaliland in kaalin walba yeelato halbeeg “Measurement” lagu gaadhi karo sidoo kalena shaqaalaha u eekaysiin doonta qaabka aynu u rabno in ay shaqada qaranka u gutaan.

– Shaqaalaha dawladda waxaa loo abuuri doonna hiigsi iyo halbeeg ay haybsadaan oo aan hayb lahayn balse aqoonta, waayo-aragnimada iyo kobcinta naftoodu u horseedo guusha qofnimadooda iyo qarankooda.

-Siyaasadan iyo kuwa tirada badan ee mudooyinkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha iyo khubaro caawinaysa ay diyaariyeen ayaa marka la isku geeyo shaqaalaha dawlada dhan walba ka dhisi doonta, dawladana ka dhigi doonta mid casri ah oo la tartanta qaramada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here