Guddoomiye Mursal Oo Aqbalay Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

0
962
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Farmaajo PHOTO FILE

Mugdisho, (HargeisaPress) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa aqablay mooshin ka dhan ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay ayaa saxaafada u xaqiijiyay jiritaanka warka ku saabsan in guddoomiye Mursal aqbalay mooshinka xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Lama oga tirada rasmi ah ee saxiixdan mooshinkan madaama sida sharcigu qabo madaxweynaha ay mooshin ka keeni karaan oo kaliya 92 mudane oo noqoneysa saddex meelood marka loo dhigo baarlamaanka meel ka mid ah.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhaxeeya guddoonka Golaha Shacabka, xildhibaannada iyo xukuumadda intaba, iyadoo guddoomiye Mursal maalin ka hor meesha ka saaray go’aankii uu guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey uu u kala diray guddigii Maaliyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here