Guddoomiye Ku-Xigeenkii 1aad Ee Xisbiga UCID Oo Xilkii Laga Qaaday

0
1012

Hargaysa (Hargeisa Press): Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbigaasi C/naasir Xasan Buuni.

Kadib shir ay maanta xarunta dhexe ee xisbigaasi ku yeesheen guddiga fulinta iyo guddiga anshaxmarinta ee xisbigaasi ayay ka soo saareen go’aanka xil ka qaadista.

Shirka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayay ku shaaciyeen in ay xilkii iyo xubin-nimadiiba kaga qaadeen C/naasir Xasan Buuni.

Xoghayaha guud ee xisbig UCID ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadda ay u cuskadeen xil ka qaadista guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Hargeisa Press/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here