Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee KULMIYE Oo Xadhiga Ka Jaray Hudheel Casri Ah Oo Laga Hirgeliyay Gabiley + SAWIRRO

0
1402
Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee KULMIYE Oo Xadhiga Ka Jaray

Gabiley, (HargeisaPress) — Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed,  ayaa   maanta  xadhiga ka jaray   hudheel   casri   ah oo loogu magac daray    Bookh Hutel, oo   laga  hirgeliyay magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.

Hudheelkan casriga ah oo ah kii u horeeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo magaaladda Gabiley   ayaa sidoo  kale ka kooban qaybaha kala duwan ee ganacsiga sida  Super Market, Fuel Station and Car wash, iyadoo goobtaasi laga heli karro adeegyo badan.

Munaasibadii  fuirtaanka xaruntaasi  ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay  wasiiru-dawlaha wasaaradda maaliyadda, badhasaabka gobolka Gabiley, maayarka degmadda, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliland iyo golaha degaanka Gabiley, madax dhaqameed iyo ganacsato.

Mulkiilaha hudheelkaasi Maxamed C/laahi Jaamac, ayaa  sharaxaad ka bixiyay  xaruntan ganacsi isugu jirta hudheel, kaalin shiidaal, dukaan iyo meesha lagu maydho baaburta(leebaajo), waxaanu sheegay in u jeedadda uu ka lahaa hirgelinta hudheelka ay tahay kadib markii uu arkay baahidda ay magaaladda Gabiley u qabto in la hello goobo ganacsi oo naacaasi ah.

Isagoo arrimahaasi fah-faahin ka bixinayay-na waxa uu yidhi “Waxaan  halkan ku soo dhawaynayaa  dhamaanba marti sharafta ka soo qayb gashay xafladan  furitaanka  hudheelkan, waanad ku mahadsan tihiin ka soo qayb galkiina.

Haddii aan faah-faahin kooban ka bixiyo  baahidda keentay in aan hudheelkan furro, waxaa ka mid ahayd markii aan aragnay  iyadoo aanu gobolku lahayn  hudheel lagu marti qaado karro dadka gobolka yimaadda, haddii ay tahay qurbe joog, haddii ay tahay masuuliyiin ama siyaasiyiin, iyadoo aanu jirin hudheel isugu jirra hurdo iyo cunto oo lagu marti qado. Anagoo baahidaasi jirta ka duulaysa ayaanu hudheelkan samaynay”.

Maxamed C/laahi Jaamac, mulkiilaha hudheelka Bookh  ayaa ugu baaqay ganacsatadda gobolka iyo qurbe joogta in ay ka qayb qaataan dhismaha  magaaladda, isla markaana ay wax gashadaan dalkoodda.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, oo  hadal ka jeediyay munaasibadii uu xadhiga kaga jaray xarunta ganacsi ayaa ku amaanay mulkiilaha hudheelkaasi in uu xarun ganacsi oo  noocaasi  ah ka sameeyo magaaladda Gabiley.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee KULMIYE Oo Xadhiga Ka Jaray

“Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa  mulkiilaha hudheelkan  ka shaqeeyay hudheelkan casriga ah ee uu ka hirgeliyay magaaladan Gabiley,  oo runtii xagga dhaqaalaha iyo xagga bilicda  magaaladaba qayb aad iyo aad u weyn ka samaynaya”.

Maxamed Kaahin Axmed,  waxa uu sheegay in mulkiilaha hudheelkaasi uu muujiyay in dalka lagu aamini karo hanti sidaas u badan oo maalgashi ah, isagoo ugu baaqay ganacsatadda iyo qurbe joogta gobolka in ay dalkooda maalgashadaan.

“Waxa kale oo uu inoo hor seeday in la maalgashan karro, oo hanti intaa le’eg, oo hudheel ah ama wershad ah, in dalka laga samayn karro. Waxaan leenahay mulkiilaha hudheelkani  ILLAAHAY (SWT) ha uga dhigo mid khayr qabta,  oo ganacsigeedu koro.

Dadka hantiileyaasha ah ee  magaalada, ganacsatadda iyo qurbe joogta,  waxaan leenahay  hala maalgeliyo dalka” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Badhasaabka   gobolka Gabiley Xamse Ciise Cabdi, oo isna hadal ka jeediyay furitaanka hudheelka cusub ee Bookh Hutel ayaa tilmaamay in hudheelkani cusub uu ka qayb qaadanayo bilicda  magaaladda Gabiley, isagoo ku amaanay mulkiilaha hudheelkaasi  hirgelinta xaruntaasi ganacsi.

“Waxaan u mahad naqaynaa mulkiilaha hudheelkan cusub ee sameeyay xaruntan ganacsi ee aadka u quruxda badan oo ku soo korodhay  gobolka Gabiley” ayuu yidhi badhasaabka Gabiley.

Geesta kale waxaa munaasibadii xadhig ka jarista hudheelkaasi hadallo ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid ahaa maayarka Gabiley, wasiiru-dawlaha wasaaradda maaliyadda iyo xubno isugu jiray ganacsato, salaadiin iyo wax garad, kuwaasi oo dhamaantoodba ku bogaadiyay mulkiilaha hudheelkaasi hirgelinta xaruntan ganacsi.

Waxaanay  tilmaameen   sida hudheelkani uu uga qayb qaadanayo bilicda iyo horumarka gobolka Gabiley iyo sidoo kale in uu ka qayb qaadanayo horumarka dalka.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here