Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas Oo Tacsi u Dirayaa ehelkii, asxaabtii iyo dhamaan ummada afka Soomaaliga ku absheegataba geerida Mohamed Ahmed Kuluc

0
977

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun … waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelkii, asxaabtii iyo dhamaan ummada afka Soomaaliga ku absheegataba geerida ku timid fanaankii weynaa ee Mohamed Ahmed Kuluc, oo runtii ahaa tiirarka fanka Soomaalida, iyadoo lagu xasuusto heesihiisii wadaniga ahaa ee ay ugu caansanaayeen:
1. Aan maalno hasheena maandeeq
2. Waabaa baryey bilicsan
iyo kuwo kale oo badan oo aanan halkan kusoo wada koobi karin.
Waxaa kale oo lagu xasuustaa riwaayado caan baxay oo uu xidig (actor) ka ahaa iyo hab masrixiyadeedkiisa oo ahaa mid ay kaga daydaan fanaaniinta soo koraysa. Waxaanu ahaa dadka horumariyey fanka Soomaaliyeed, korna u qaaday.
FG:
Run ahaantii aniga waxay igu ahayd geeri si gaar ah ii taabatay, naxdin iyo anfariirna igu noqotay, sababtoo ah marxuunka waxaanu khamiistii (15.01.2015), ka wada qadaynay Hotel Ambassador – Hargeisa, sawirka aan soo dhigayna doraad ayaanu wada galnay.
Waxaan Ilaahay marxuunka uga baryaya inuu naxariistii jano ka waraabiyo, inagana Samir iyo iimaan taam ah inaga wada siiyo.

 

Hussein Abdillahi Mohamoud

Vice Presidetn at ADMAS UNIVERSITY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here