Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Wuxu tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaa Qoyska Reer Boobe Yusuf Ducaale oo uu ka baxay Marxuum Diiriye Boobe Yusuf Ducaale

0
1104

Gudoomiyaha Golaha Wakilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,isagoo ka Hadlaya Magaciisa ,ka Hogaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI wuxu tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaa Qoyska Reer Boobe Yusuf Ducaale oo uu ka baxay Marxuum Diiriye Boobe Yusuf Ducaale oo ku geeriyooday Maanta 28/3/2015 Magaalada Jabuuti .

.
Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryay inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo marxuum Diiriye Boobe Yusuf Ducaale oo ahaa wiil uu dhalay Xoghaya war-faafinta xisbiga WADDANI ,qoyskiisii eheladii iyo Qaraabadii ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

Aamiin Aamin Aamin

Md . Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

LEAVE A REPLY