Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cirro oo Hambalyeeyey Madaxweyne Muuse Biixi

0
1433

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka la doortay ee Somaliland Muuse Biix Cabdi iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo Tartan adagi dhex-maray, isla markaana waxa uu sheegay inuu isaga oo u tudhaya Dalka, Dadka Somaliland, Nabadgelyada, Midnimada iyo Wada-jirka Bulshada Somaliland uu aqbalay natiijadii doorashada Madaxtooyada ee galabta lagu dhawaaqay, taas oo uu ku tilmaamay in musuqmaasuq iyo ku shubasho hadheeyeen.

Musharraxii Madaxtinnimada Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo uu Garab-taagnaa Ku-xigeenkiisa Maxamed Cali, waxa uu Caawa shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu kaga warramay wixii doorashada laga filayey iyo siday wax uga qaldameen. Hase-yeeshee, isaga oo dalka iyo dadkaba u damqanaya uu aqbalay natiijada ka soo baxday ee loogu dhawaaqay inay ku guulaysteen Musharrixiintii Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Saylici.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here