Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlay doorashadii Prof. Cali Khaliif Galeyr

0
1092

Faysal Cali WaraabeHargeysa,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay doorashadii madaxweynenimo ee Cali Khaliif Galeydh oo dhawaan ka dhacday deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool ayaa sheegay in doorashadaas ay fiican tahay, balse Somaliland aysan doonayn inuu maamul kale ka hoos-dhasho.

Faysal oo saaka wareysi siinayay VOA-da ayaa uga digay Cali Khaliif inuu colaado ka abuuro deegaannada Somaliland, isagoo shacabka ku nool deegaannadaas ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan.

“In dad meel isku yimid ay wax doortaan waa mid loo baahan yahay, waana soo dhaweynaynaa doorashada Cali Khaliif, balse ma ahan inuu colaad ka dhex abuuro dad walaalo ah,” ayuu yidhi Inj. Waraabe.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin in laga dhiso deegaannadeeda maamul kale sida Khaatumo, isagoo xusay in taas ay jawaab ka bixin doonaan.

“Deegaannada looga dhawaaaqay maamulka Khaatumo waxay qayb ka yihiin xuduudaha Somaliland, mana ogolaan doonno in maamulka uu sii shaqeeyo,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID.

Hoggaamiyahan oo sii hadlayay ayaa sheegay in marka ay timaaddo arrimo Somaliland liddi ku ah ay mucaaradka iyo muxaafadku xaq u leeyihiin inay ka hadlaan, si qadiyada maamulka loo ilaaliyo.

Faysal Cali Waraabe ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreysay ee Somaliland oo si toos ah uga hadla doorashada Cali Khaliif loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo State.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Cali Khaliif sheegay in Puntland iyo Somaliland ay ciidamadooda kala baxaan deegaannada Khaatumo haddii kale uu dhici doono dagaal aafo ah oo aan waxba la iskula harin.

Inkastoo maamulka Khaatumo dib loo yagleelay haddana lama oga sida uu xaalku noqon doono xilliyada soo socda, markii uu maamulkaas howlihiisa shaqo si caadi ah uga billaabo deegaannada uu maamulo.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here