Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo Magaalada Jigjiga kaga Qaybgalay Xuska Maalinta Ciidammada Itoobiya + SAWIRRO

0
1260

Jigjiga ,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa ka qaybgalay xuska maalinta ciidammada dalka Itoobiya oo xaflad ballaadhan loogu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya maanta, taas oo si rasmi ah loogu martiqaaday.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa ku qaabilay madasha lagu qabanayo xafladda Madaxweynaha dawladda Federaalka Itoobiya Mudane, Mulatu Teshome, Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Maxamuud Cumar, Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya Gen Samore Yonis iyo madax kale oo badan, kuwaas oo u qaabilay si heer sare ah.

Weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa xubno ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya Amb. Ayaanle Salaad.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here