GUDDOOMIYAHA URURKA SUXUFIYIINTA EE SOLJA OO MAANTA MAGACAABAY GUDDIDA QABAN QAABADA SHIRWEYNAHA SHANAAD EE URURKAAS

0
1060

Hargeysa(HargeisaPress)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa manza magacaabay Guddida qaban qaabada Shirweynaha 5aad ee Ururka oo ku began bishan sideedaad.
Guddoomiyaha SOLJA isagoo ka duulaya sharciga iyo Dastuurka Ururka oo Awood u siinaya magacaabisat guddida qaban qaabada waxa uu si rasmi ah manta u soo saaray liiska Toddoba xubnood oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas oo uu u xil saaray si ay u qabtaan shirweynaha 5aad ee Ururka oo lagu soo dooran doono hogaan iyo board cusub oo majaraha u qaban doona Ururka sadexda sano ee soo socda.

Guddida Qabanqaabada shirweynaha shanaad ee Solja (Preparatory committee of SOLJA General Assembly)

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isagoo tixraacya qodobka

lixaad faqradda (b) oo sheegaya in shirweynaha ururku qabsoomo sadexdii sanaba hal mar, wuxuu magacaabay guddida qabanqaabada shirweynaha 5aad isagoo tixraacaya faqrada (c) ee qoddobka lixaad.
Magacyada Guddida:

1. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) – Waaheen

2. Maxamed Aw Aadan Cabdi – Freelance

3. Barkhad Maxamed Kaariye – SOLJA
4. Maxamed Yuusuf Ilkacase – Foore
5. Aayaan C/risaaq Jaamac – WIJA
6. Salma C/raxmaan Sheekh – wasaaradda Warfaafinta
7. Axmed Maxamed Jaamac – Somali Chanel
Waxaan aka rajaynayaa xubnaha guddida fulinta inay ansixiyaan xubnaha guddida qaban qaabada eek or ku xusan, idinka oo gudanaya waajibaadkiina distooriga ah, si aynu hore ugu sii socono qabsoomidda shirweynaha oo wakhtigiisii joogo.
Dhinaca kalena, si loo qabyo tiro distoorka ururka oo u baahan dib u eegis iyo kaabis, waxaan magacaabay Garyaqaan. Maxamed Siciid Xirsi in uu mudada shirweynaha ka horaysa ka sii shaqeeyo qabyada distoorka si shirweynaha loogagag dodo kadibna loogu Ansixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here