Guddoomiyaha UICD Oo Dhaliilay Siyaasadda Khaarejiga Somaliland

0
1183

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa xukuumadda talladda haysa ee Somaliland ku dhaliilay in ay ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibadda, isla markaana ay soo xidhmeen xafiisyadii arrimaha dibadu.

Waxaanu sheegay in dawladda Muqdisho ay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushay sidii ay Somaliland uga soo xidhi lahayd caalamka.

Isagoo na  xusay in  xukuumadda Somaliland  ay dayacday sidii ay u kasban lahayd saaxiibadeeda caalamka.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay shir weynihii saxaafadda Somaliland iyo guddoonsiinta abaalmarino weriyeyaashii ku guulaystay tartanka Cawke Award oo sanad walba la qabto, kaasoo maanta lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.

Sidoo kale guddoomiyaha UCID ayaa ka hadlay arrimo kaloo fara badan.

Halkan Ka Daawo hadalka Eng. Faysal:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here