Guddoomiyaha SOLJA Oo Dhaliilay Amar Wasiirka Warfaafintu Ugu Yeedhay TV-yadda Madaxa Banaan

0
1003

Hargeysa, (HargeisaPress) – Ururka suxufiiyinta Somaliland ee SOLJA ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waraaq u yeedhis ah oo ka soo baxday wasaaradda warfaafinta Somaliland oo lagu wargeliyay TV-yadda madax banaan ee dalka ka hawl gala in ay yimaadaan xarunta wasaaradda Axada soo socota.

Guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo ka jawabay waraaqdan ka soo baxday wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in aan waraaqdaasi lagu soo wargelinin ururkooda, balse ay heleen qoraalkaas oo la soo gaadhsiiyay qaybo ka mida warbaahinta madaxa banaan.

Guddoomiye Xuuto, waxa uu tilmaamay in aanay waraaqdaasi ku cadayn u jeedadda wasaaradda warfaafintu ugu yeedhayso masuuliyiinta TV-yadda madaxa banaan ee dalka ka hawl gala.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here