Guddoomiyaha Shirkada Telesom Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa + SAWIRRO

0
788

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee CIGAAL ee magaaladda Hargeysa, guddoomiyaha ayaa ka soo laabtay munaasibad lagu abaal-mariyey inuu noqday Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee Abaal-marinta AFRICACOM 2018.

Guddoomiyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hogaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI,  guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda  iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Masuuliyiinta ka soo qayb-galayaashii soo dhawaynta Guddoomiye Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadashay shir jaraa’id ka dhacay madaarka Cigaal ayaa guddoomiyaha Telesom ugu  hambalyeeyey guusha Somaliland iyo Shirkadda Telesom uga soo hooyatay hogaanka dhinaca isgaadhsiinta ee Afrika. Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin ayaa isna dhankiisa waxaa uu u mahadnaqay dhamaan shacabka Somaliland, shaqaalaha shirkadda iyo cid kasta oo ka qayb-qaadatay guushiisa.

Halkan hoose ka Daawo Sawiradda Soo Dhaweeynta

LEAVE A REPLY