Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Kormeeray Xabsiga iyo Saldhigga Dhexe Ee Gabiley

0
923

Gabiley (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo xubnaha bahda caddaaladda ee u guuray degaannada Galbeedka Somaliland, ayaa kormeer ku sameeyey jeelka weyn iyo Saldhigga Dhexe ee magaalada Gabilay.

Halka ay sidoo kale dhegaysteen dadweynaha ay dacwadaha kala duwan kaga jiraan Maxkamadaha Gabiley.

Maxkamadda Sare oo hawlo shaqo ka bilawday Gabilay maalintii Arbacada ee ay taariikhdu ahayd 13 March 2019, waxa ay Khamiistii maanta u kuur-galeen xaaladda dadka maxaabiista ah ee lagu hayo Jeelka iyo Saldhigga Booliska Gabilay.

Waxaanay ugu horayn booqdeen Xabsiga Gabilay oo ay warbixin kaga dhegaysteen Taliyaha Jeelkaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo xubnaha kale ee bahda caddaaladda ka socday waxay gudaha u galeen jeelka weyn ee magaalada Gabilay, iyagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee jeelku ka kooban yahay iyo xaaladda dadka maxaabiista ah ee halkaas ku jira.

“Taliyaha Xabsiga Gabilay aad ayaannu uga mahadnaqaynaa sida diiran ee uu noo dhaweeyey, sida aad la socotaan Gobolka Weyn ee la yidhaahdo Maroodi-jeex waxa dib-u-habayn lagu sameeyey xabsigiisa weyn ee Hargeysa, xabsigaasina ma laha qaybtii loogu talogalay in lagu xidho dumarka.

Markaa Gobolkan Gabilay waa gobolka keliya ee leh xabsi u gaar ah dumarka, waayo qofka maxbuuska ah ee la soo xidhay waxa laga yaabaa in hal dambi loo haysto, markaa isaga oo hal dambi loo haysto maaha inuu noloshiisii oo dhan ku waayo, mana aha inuu caafimaad-darro ka qaado jeelka, in dhibaato kale ka soo gaadhana ma aha.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Sababtoo ah waxa weeyaan qof kasta oo nooli adduunyada wuu samayn karaa dambi oo dunuubta qaarna Ilaahay ayaa looga towbad keenaa oo dambi-dhaaf la waydiistaa, qaarna xad ayey leeyihiin oo sharciga ayaa kaa jara, markaa inta uu sharcigu kaa jaro waa in aanay naftaadu dayacmin.

Markaa waa in aad hesho xuquuqihii aasaasiga ahaa, sida caafimaadka, cuntada oo hawada laguu soo saaro, waxbarashadii iyo xuquuqaha kale ee aasaasiga ah, markaa iyadoo taas laga duulayo waxa la doonayaa in adeegyada la sii horumariyo”.

Waxaannu intaas ku daray; “Sababta aannu u soo booqanay Jeelka Gabilay waa in aannu xaaladda dhabta ah ee xabsiga ogaano oo metelan dusha sare oo qudha ayaannu ka eegi lahayn, waana lana salaami lahaa.

Kadibna waannu iska noqon lahayn, markaa in aannu sidaas oo qudha samayno umaannu iman, laakiin si qoto-dheer ayaannu u eegaynaa, waxaanan la soo baxaynaa diwaannada jeelka oo maxbuus walba waannu eegaynaa xaaladdiisa”ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.

Xubno ka mid ah bahda caddaaladda iyo garsoorka ee wehelinaya Maxkamadda Sare oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in sababta loo kormeeray jeelka Gabilay, isla markaana ay Maxkamaddu ugu soo guurtay degaannada Galbeedka Somaliland ay la xidhiidho sidii loo eegi lahaa xaaladda maxaabiista, caddaaladda iyo garsoorkana loogu dhawayn lahaa bulshada.

Madaxda Hay’adaha Garsoorka ee Gobolka Gabilay iyo Xeer-ilaaliyeyaal ka socday Hargeysa oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in laga soo bilaabo maalintii Arbacada ee taariikhdu ahayd 13 March 2019 iyo Khamiistii maanta ay Maxkamadda Sare dhegaystay dacwado badan oo isugu jira ciqaab iyo madani.

Kuwaasoo rummaan u ahaa Maxkamadda Sare, kadib markii dadka eedaysanayaasha ah racfaan ka qaateen xunno hore ugu soo dhacay, waxayna masuuliyiintaasi caddeeyey in dadkaas xidhnaa qaarkood dib loogu celiyey xoriyadooda, halka qaar kalena ay weli socoto dhegaysiga dacwadoodu.

Dhinaca kale, Maxkamadda Sare iyo bahda caddaaladdu waxa ay kormeer ku mareen Saldhigga Dhexe ee magaalada Gabilay, waxayna halkaas warbixin kaga dhegaysteen Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Booliska, kaasoo ka xog-waramay xaaladda Saldhigga iyo dadka maxaabiista ah ee ku jirta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo weftiga wehelinayey, waxa ay kulan la qaateen dadweynaha kala duwan ee ay dacwaduhu kaga jiraan Maxkamadaha Gabilay, iyadoo ay dadkaasi faahfaahin ka bixiyeen dacwadaha kaga jira Maxkamadaha iyo halka ay ilaa hadda marayaan.

“Warbixin ayaannu idinka siinaynaa xabsiga Gabilay oo dad badan ayaa qaarna xoriyadooda loo celinayaa oo marka aannu eegnay dad badan oo racfaanku ka dhacsannaana, waxa aannu u cusboonaysiinay, una jadiidinay racfaankii ay qaateen, maadaama ay xaq leeyihiin oo dadkaas qaarkood may garayn inay racfaan qaataan, qaarkoodna inta ay socdeen saldhigyada iyo xabsiga dhexdooda ayuu racfaankii ka dhacay.

Waxa kaloo aannu aragnay dad badan xidhan oo aan helin looyaro difaaca ama u dooda, markaa kuwaasna waxa nala joogay Guddoomiyaha Ururka Qareennada oo Maxkamaduhuna waxay leeyihiin qareen-sabool, markaa si dhakhso ah ayaannu ugu qaban doonaa qareenno,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa kaloo uu ka xog-waramay kormeerkii ay ku tageen Saldhigga Dhexe ee Gabilay, waxaannu yidhi; “Waxa aannu soo marnay Saldhigga Dhexe ee Gabilay oo waannu soo eegnay tiro-koobka dadka ku xidhan, kuwa xukunku ku dhacay, maadaama beryahan dambe saldhigyada lagu hayo dadka xukun Maxkamadeed ku dhacay oo ay ahayd in Jeelasha loo gudbiyo iyo maxaabiista badan oo rummaanka ah, qayb walba xaaladooda waannu soo eegnay.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sidoo kale ka warbixiyay heerka ay marayaan qaadista dadka ay dacwaduhu kaga jiraan maxkamadaha.

“Waad arkayseen oo waxa aannu dhegaysanay dadka dacwaduhu kaga jiraan maxkamadaha, hoolkaas bannaan ee la wada arkayo ayaannu ku qaabilnay dadweynaha, wax alla wixii dad joogayna waannu wada qaabilnay oo markii aannu dhegaysanay intii joogtay ama meesha soo gaadhay, muddo kale oo dheer ayaannu sii fadhinay hoolka oo aannu sugaynay cid aannu dhegaysanno oo noo timaad, iyadoo markii aannu weynay cid kale oo aannu dhegaysanay aannu ka soo baxnay hoolkii,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxaannu intaas ku daray hadalkiisa oo uu yidhi  “Wixii cabashooyin ah oo dhan waannu dhegaysanay oo waxna waannu xallinay, wax aannu eegaynaa oo waannu ka jawaabi doonaa, laakiin dadka waannu wada dhegaysanay, waxaanna muhiim ah in dadka la dhegaysto oo ay si furan u soo bandhigaan cabashooyinkooda.

Waxa kaloo kormeerkan iyo dadkan aannu dhegaynaysay nooga soo baxday oo ay na tusaysaa in Madaxda garsoorka iyo saraakiisha kale ee jooga Gobolka Gabilay ay shaqo fiican qabteen, waayo mar haddii aanay cabashooyinku aad u badnayn oo aanay xadka ka baxsanayn ama aanay xadka goosan waxa ay ku tusaysaa inay tahay meel ay shaqo ka socoto.”

Maxkamadda Sare iyo xubnaha kale ee wehelinaya, ayaa muddo bil ah joogi doonta degaannada kala duwan ee Gobollada Galbeedka Somaliland, iyagoo hawshooda ka bilaabay Gobolka Gabilay oo ay ku sugnaan doonaan muddo laba toddobaad ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here