Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Ka Warbixiyay Dacwado Ay Burco Ku Qaadeen

0
749

Burco (Hargeisa Press): Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa sheegay in   Cabashooyin ay ka dhagaysteen dadweynaha  ku dhaqan   magaalada Burco, isla markaana ay  kiisas  dacwadood oo maxkamada sare  ay ku qaadeen    gobolka Togdheer.

Aadan  Xaaji Cali  Axmed, oo maalmahan bas afar shaqo ku maraya goboladda bari gaar ahaana Togdheer waxa uu   in afartii cisho ee u danbaysay ay ka dhagaysteen dadweynaha magaalada Burco   cabashooyinka  ay    ka qabaan   garsoorka.

Waxaanu  intaasi ku daray in ay ku dhawaaqeen dacwado ay ku qaadeen magaalada Burco, kuwaasoo iskugu jiray Ciqaab  iyo Madani. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu maanta magaaladda Burco   kulan kula yeeshay hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee ka hawlgala gobolka Togdheer.

Isagoo   faahfaahin ka bixinayay hawlaha shaqo ee ay u tegeen  Togdheer iyo waxyaabaha uga fulay kiisas iyo dacwado ay ku qaadeen Burco.  Waxaanu  yidhi “Si fiican ayay u socotaa dacwadihii maxkamada sare  ee aanu u soo rarrnay  Togdheer, ee aanu  ku dhagaysanaynay dawacwadaha.

Markaa  dacwado badan ayaa la galay oo kala ah Ciqaab iyo Madani-ba. Meelo  magaaladda Burco ka baxsan   ayay   dacwado ka dhaceen,   dacwado   lagu dhawaaqay na  way jiraan,   oo  dacwadihii    fududaa oo dhan  waa   lagu  dhawaaqay, ama   Ciqaabta  ha noqoto ama Madaniga ha noqoto”.

Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa kaloo uu tilmaamay in dacwadaha ay dhegaysteen qaarkood ay ka fiirsasho u baahan yihiin, isla markaana ay Hargaysa kula soo noqonaynayaan.

Isagoo xusay in maxkamadaha gobolka Togdheer iyo garsooreyaasha ka hawl gala ba ay fareen in qaranku yahay xubin keliya, isla markaana loo baahan yahay in loo wada shaqeeyo.

“Dacwadaha qaar na waa lala noqonayaa oo  ka fiirsasho ayay u baahan yihiin.  Magaaladda  Burco dacwado way ka galeen,   cabashooyinkii dadweynaha way wadeen afartii cisho ee ugu danbaysay,  ee lagaga cabanayay  garsoorka.Markaa  waanu xalinay.

Waxaanu  aaminsanahay oo aanu ku hawl gal naa,  oo aanu ku shaqaynaynaa,  oo aanu farnaa  maxkamadaha  iyo  Garsooreyaasha  goboladda  dawladdnimadu in ay tahay hal xubin,   in qaranka loo wada shaqeeyo,  oo dhinac looga soo wada jeedsado weeye”ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here