Guddoomiyaha KULMIYE oo Kulan Dardargelin ah La Yeeshay Qurbejoogta iyo Masuuliyiinta Laamaha Dibadda ee Xisbiga + SAWIRRO

0
1240

Hargeysa (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga la yeeshay masuuliyiinta xisbiga ee qaar kamid ah laamaha dalalka dibadda iyo taageerayaal qurbejoog ah.

 

 

Kulankan oo maanta lagu qabtay xarunta xisbiga KULMIYE, ayaa wax aka qaybgalay guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, qaar kamid ah ku-xigeennadiisa, xoghayaha guud, xubno kale oo haldoorka xisbiga ah, hormoodka xafiisyada xisbiga, qaar kamid ah dalalka dibadda, wasiirro iyo taageerayaal kale oo qurbejoog ah, waxana si qoto dheer la iskaga xog-waraystay arrimo door ah oo la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka laamaha dibadda ee xisbiga iyo xarunta guud, isla markaana wada-shaqayn hufan ay dhinacyadu u yeelan lahaayeen.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay xubnaha qurbejoogta ah iyo masuuliyiinta laamaha dibadda ee xisbiga sida hagar la’aanta ah ee ay hawlaha xisbiga uga qaybqaataan iyo weliba sida ay xilka iskaga saareen inuu xisbigu gaadho guul hareeraha la wada hayo, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay kor usii qaadaan dedaalka ay wadaan.

Qaar kamid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee laamaha dibadda oo iyaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha ay xisbiga ugu xilsaaran yihiin, waxana ay hoggaanka xisbiga u sheegeen inay ku jiraan dedaal aan kala go’ lahayn oo ay ugu guclaynayaan sidii ay qayb laxaad leh uga qaadan lahaayeen dedaalka xisbigu ugu jiro inuu guul kasoo hooyo doorashada dhammaadka sanadkan 2017-ka dalka ka qorshaysan.

Sidoo kale, xubno tiro badan oo madaxda xisbiga ee laamaha dibadda iyo taageerayaal qurbaha ka yimi isugu jirta, ayaa si saraaxad leh su’aalo furan u weydiiyey guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isaga oo jawaabo ah ka bixiyey dhammaanba su’aalihii halkaas lagu weydiiyey oo u badnaa dhinaca qorsheyaashiisa la xidhiidha waxyaabaha u qorshaysan inuu umadda u qabto haddii uu xilka dalka ugu sarreeya qabto.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu u mahadceliyey madaxda xisbiga ee madasha ku sugnaa iyo qurbejoogtii kale ee madasha ku sugnayd, waxana uu kula dardaarmay inay kor u qaadaan dedaalkooda, isla markaana soo kordhiyaan qorsheyaal wax ku ool ah oo wax lagaga qabanayo baahida bulsho ee dalka ka taagan.

LEAVE A REPLY