Guddoomiyaha KULMIYE oo Farriin Baaq la Xidhiidha Xannuunka Shuban-biyoodka u Diray Shacabka + SAWIRRO

0
1231
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin baaq ah oo ku aaddan cudurka Shuban-biyoodka ka dillaacay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ay tiro dad ahi ugu dhinteen, in kale oo badanina u jiifaan u diray shacabka reer Somaliland, dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah.

Guddoomiye Muuse Biixi oo shir-guddoomiyey kulan hoggaanka xisbiga, xubno Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE isugu jiraa ku yeesheen xafiiska Guddoomiyaha maanta, kaasi oo lagaga wadahadlay dhibaatada xannuunka Shuban-biyoodka oo maalmihii u dambeeyey faro baas ku hayey magaalada Burco iyo sidii xal loogu heli lahaa in la xakameeyo oo aannu sii fidin xannuunkaasi.

Md. Muuse Biixi oo kadib kulankaasi xisbiga KULMIYE yeeshay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa maanta, waxa uu baaq ku saabsan xannuunkan u diray qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland, waxaannu yidhi, “Maanta waxa uu culayska ugu badani innaga saaran yahay waa Shuban-biyoodka oo ku fidaya dalka, kana soo bilaabmay Buuhoodle, Laascaanood iyo Boorama oo la xakameeyey, laakiin iminka Burco ayuu xoog weyn ku leeyahay, waxaannu baaq weyn u diraynaa Wasaaradda Caafimaadka, hay’adaha dadka ka caawiya caafimaadka ee ay ugu horrayso Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO in arrintaas gurmad degdeg ah laga galo, gaar ahaan magaalada Burco oo iminka dhimashadu aad u kordhayso iyo sidii aannu shubanku aad ugu sii fidi lahayn, taasna waxa lagaga bixi karaa in marka hore wacyigelin xoog leh la sameeyo oo ay ka qaybqaataan dhammaanba Tv-yada, Wargeysyada iyo Website-yada.”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay sida fudud ee uu cudurka Shuban-biyoodku bulshada dhexdeeda ugu fidi karo iyo cidda gaarka ugu nugul, waxaanu u soo jeediyey in gacmaha la isu qabsado u gurmashada dadka xannuunkaasi taabtay, “Xilli roob baynu ku jirnaa oo abaar baynu kasoo doognay, Raxmaddana dad iyo xoolo-ba waa loo jeellanyahay, Shuban-biyoodkuna waa cudur ku fida gacanta iyo afka, markaad gacantaada ku taabato meel uu Jeermiska shubanku ku jiro, sida cunto, biyo iyo wax la mid ah oo uu duqsi taabtay, dabadeedna gacantii baa afka gaadhaysa oo dheef-shiidkii bay maraysaa, waxaana u nugul carruurta, dadka waayeelka ah, haweenka uurka leh iyo kuwa ilmaha jaqsiinaya. Waxaynu u baahanahay oo aynu Wasaaradaha Caafimaadka, Wasaaradda Warfaafinta, aqoonyahanka iyo dhallinyaradaba ka doonaynaa inaynu u gurmanno dadkaasi, inaynu ka hortaggiisa ka hawlgalno.”

“Waa in biyaha fadhiya la dhaqaajiyo oo dadka meelaha cidhiidhiga ah degen ee is-dulsaarka ah ee musquluhu ku yar yihiin ee saxaradu dibadda taallo aynu gurmad ka galno oo wacyigelin iyo tabarucba wixii aynu ka qaban karno samayno,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu naqdiyey kaalinta ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ka qaadatay shubanka waqtigan dhibaatada ku haya bulshada ku Gobolka Togdheer iyo meelo kale ee Somaliland ka mid ahba, waxaannu u diray baaq, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Hay’adda ugu weyn ee hawlaha caafimaadka qaabilsan oo WHO ah cidda joogta waxaannu leenahay way ka daaheen ka hortaga fidinta cudurkaas, arrintaasina waa baaq aannu ummadda iyo qarankaba u dirayno, xukuumadduna way ku hawlan tahay annaguna waanu ku sii boorrinaynaa.”

Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi hambalyo u diray xisaab-xidhkii ay Guddidii Abaaruhu xalay soo celisay iyo sidii hufnayd ee ay u caddeeyeen meelihii uu ku baxay kharashaadkii gacantooda soo galay, waxaannu ugu baaqay cid kastoo xil ummadda u haysa inay si waadax ah oo daah-furan u soo bandhigaan hantida ay masuulka ka yihiin siday u maamuleen.

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY