Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Oo Xukuumadda Ku amaanay Nidaamka Shaqaalaysiinta

0
1230

Boorama (Hargeisa Press.com):  Guddoomiyaha jaamacadda Camuud ee gobolka Awdal Professor Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa  ku bogaadiyay hay’adda shaqaalaha iyo Xukuumadaba   nidaamka cusub ee ay shaqaalaha cusub u qorat.

Waxaanu  ku tilmaamay nidaam fiican oo dhinaca caddaaladda loo qaaday loona baahan yahay inay dawladdu halka ka sii wado,  mar kastoo ay shaqaale cusub goboladda dalka ka qaadanayso.

Prof.  Saleebaan Axmed Guuleed,  oo khudbad ka jeedinaayay kulan hay’adda shaqaaluhu xarunta Jaamacadda Camuud ugu samaysay 50-kii   ee ku guulaystay kuna soo baxay Imtixaankii  368-ka qof u galeen shaqooyinka dawladu gobolkaasi ka qaadanaysay.

Prof. Saleebaan,   oo arrintaas ka hadlayay   waxa uu yidhi  “Ididiilo cusub ayaa inoo soo korodhay,  aad iyo aad ayaanu idiinku hambalyaynaynaa.  50-ka   aqoonyahan ee gobolka Awdal nasiibka u helay inay Imtixaankii halkan ka dhacay shaqaalaha dawladda ka mid noqdaan,  waxaan leeyahay waxan aad ku guulaysateen xuquuqdiinii weeye.

Waa  wax aad mutaysateen, malaha Afrika iyo aduunka ba maanta ka waajibkiisa ka soo baxa ayaaba abaal loogu qabaaye,  oo ka xuquuqdii lagu lahaa soo celiya ayaaba abaal loogu qaba in kasta oo ay waajibkii loo xilsaaray tahay”.

Waxaanu intaas ku daray  “Xukuumadda na waanu hambalyaynaynaa idinka iyo waalidiintiinaba waan idin hambalyeynaynaa, runtii tartanka Imtixaanka shaqooyinka dawladdu qaadatay loo galay waa bog cusub oo dhinaca Caddaaladda ah.

Waanan  ugu hambalyaynayaa guddoomiye  Sharmarke sida hufan ee hawshani loo qabtay iyo Xukuumaddii arintani iyaduna jidaysay.

Waxaan  runtii ku talinayaa in hada wixii ka dambeeya Qaabkan dawladdu shaqaalaha ku qaadatay loo wado”ayuu yidhi guddoomiyaha jaamacadda Camuud.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

 

 

LEAVE A REPLY