Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Xarunta Tababarka Shaqaalaha Dawladda Ingiriiska

0
1333

 “Kulanka Aanu La Yeelanay Masuuliyiinta Xarunta Tababarka Shaqaalaha Dawladda (Uk Civil Service College), Ayaa Ah Mid Xidhiidh Wanaagsan U Soo Abuuray Machadka Shaqaalaha Dawladda Somaliland… “ Md. Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

London,(HargeisaPress) — Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaala Somaliland oo isag aiyo wefti uu hogaaminayaa todobaadii u dambeeyey ku sugan yihiin dalka Ingiriiska, ayaa kulankii u horeeyey ee Noociisa ay Madax Somaliland ka socota la qaataan waxa uu kulan isbarasho iyo unkid xidhiidh mustaqbalka ah la qaatay Masuuliyiinta xarunta tababarka Shaqaalaha Dawladda UK “Civil Service College.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ay wehelinayso Safiirka Somaliland ee Ingiriiska Amb. Ayaan Maxamuud Cashuur, ayaa kulan ay magaaladda London ku wada yeesheen Masuuliyiinta xarunta tababarka Shaqaalaha Dawladda (UK Civil Service College), waxaana sida guddo. Sharmarke faahfaahintiisa ku sheegay labada dhinac ka wada hadleen sidii xidhiidh mustaqbalka ah ay u wada yeelan lahaayeen machadka shaqaalaha dawladda ee Somaliland iyo ka dawladda Ingiriiska ee ay booqashadda iyo Isbarashaddii ugu horaysay ee nooceeda ah ugu tageen.

Guddoomiye Sharmarke Geelle oo faahfaahinaaya booqashadda uu ku tagay iyo arimaha ay ka wada hadleen Masuuliyiinta xarunta tababarka Shaqaalaha Dawladda UK “Civil Service College waxa uu yidhi.

Waxa aanu kulan iyo xidhiidh wanaagsan oo hordhac ah wada yeelanay xarunta tababarka Shaqaalaha Dawladda UK “Civil Service College” oo ah xarunta tababarta badi Shaqaalaha xukuumada dhexe oo gaadhaya 400,000 halkaas oo aanu kaga wada hadalnay odoroska xidhiidh waara oo labada machad wada yeeshaan. Intii kulanku socday ayaan kaga wada hadalnay tababarada muhiimka ah ee Shaqaalaha goobaha sare ee Dawladda JSL la siin karo iyo sida ugu haboon ee aan uga wada shaqayn karno dedaalka loogu jiro tayeynta Shaqaalaha Dawladda JSL. Kulankan ayaa ah mid xidhiidh wanaagsan u soo abuuray Machadka Shaqaalaha Dawladda JSL. Mahad-naq iyo bogaadin ayaan u hibaynayaa Amb. Ayan Mahamoud dedaalka aan daalka lahayn.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here