Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaalka Ceel Afweyn

0
733

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in la filayo in saacadaha soo socda ay awaamiir ka soo saaraan guddiga nabadgelyadda ee xukuumadda iyo madaxweynuhu dagaalka ka socda Ceel Afweyn.

Iyadoo wararku  sheegayaan in dagaalka u dhexeeya labadaas beelood uu weli halkaas ka socdo, isla markaana ay jirto dhimasho badan oo gaadhaysa ilaa labaatameeyo iyo dhaawac tiro badan.

Guddoomiyaha oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta golaha Guurtidda ayaa tilmaamay in dagaaladda ka soo cusboonaaday degaanka Karaam oo ka tirsan degmadda Ceel Afweyn ay weli socdaal cid kala dhex gashayna aanay jirin.

Waxaanu soo jeediyay in aanay muhiimad lahayn in laga sheekeeyo tiradda dadka dagaalkaas ku dhintay, balse loo baahan yahay sidii loo kala bad-baadin lahaa inta nool.

“Wax war ah oo aan ahayn shilkaa weyn ee degaanka ka tirsan Ceel Afweyn ka dhacay, ma hayno. Warka aanu haynaa waxa weeyem dagaalku wuu socdaa weli, mar haddii aan cidi dhex gelin dhinacyadda dagaalamaya, habeenka ayuun baa ka dumay, balse dagaalku wuu socdaa.

Inta dhimatay muhiim ma aha. Waxaa muhiim ah, maxaynu inta nool ka yeelnaa”ayuu yidhi guddoomiyaha Guurtidda.

Guddoomiye Saleebaan ayaa intaas raaciyay in guddiga nabadgelyadda qaranka iyo madaxweynuhu ay go’aan ka soo saarayaan xaalad dagaal ee ka taagan Ceel Afweyn, isagoo xusay in ka gole Guurti ahaan ay iyaguna ka qayb qaadan doonaan xalinta colaadaasi.

Waxaanu yidhi “Arrintaasi muddo dheer ayay soo socotay, Dhiig buxu-na wuu jiray. Inagu na (Guurtidda) waynu isku sheegnaa.

Guddigii nabadgelyadu na hadda  way fadhidaa baa la yidhi. Madaxweynihii na wuu sugayaabaa la yidhi. Anagu na (Guurtidda) waanu ku biiraynaa. Bal wixii ka soo baxa ayaynu wax ku qabsanaynaa”.

Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu danbayn ALLE uga baryay in uu kala qaboojiyo colaadda beelahaas u dhaxaysa oo uu tilmaamay in aanay iyagu lahayn caqli ay ku kala joogsadaan.

“ILLAAHAY SWT ha inaga qaboojiyo. Nimankan dagaalamayaa caqli ay isku dayaan ma hayaan. Cudud ayuun bay inooga baahan tahay”ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here